100 Sano kadib Somalida Qurbaha joogto Xaaladoodu Siday Noqon Doontaa ?

Marka koobaad boqol sano kadib ma waxaa ladhihi doonaa hebel waa soomaali mise , asalkiisa ayaa somali ah ?
– Bilowgii sagaashamaadkii waxaan wada ognahay in soomaaliya dab ka holcay taasoo keentay in kumanaan soomaali ah u firxadaan daafaha dunida ayagoo raadinoo meel ay uga bad baadaan dabka qabsaday dalkii , somalidu waxay ukala yaaceen waqooyiga ameerika , yurub , iyo wadamada carabta iyo meelwalba oo ay isleeyihiin waad ku badbaadi kartaan .
Inta aanan guda galin mowduuca , maalin dhow wadanka qatar waxaan ku kulanay wiil somali ah oo ku dhashay qatar kadib markaan arkay kaarka aqoonsigiisa in uu soomaali yahay ayaan waydiiyay – seetahay walaal somali soo matihid – wuxuu iigu jawaabay
– معلش أخوي أنا صومالي لكن ما أقدر أتكلم ولا كلمة صومالية –
haa somali ayaan ahay lkn hal kalmad oo somali ah ma aqaano ayuu iigu jawaabay af carabi ! , waxaan ku qasbanaanay in aan carabi kuwada hadalno anakoo ah somali labadeenaba , kawaran caruurta uu dhali doono wiilkaas siday noqon doonaan waxaa kasii daran caruurtiisa waxay ay sii dhalin doonaan hadii lanoolyahay ? waxaa dabar go,aayo dhamaan wixii xiriir kala dhaxeeyay soomaali ahaan , kaliye waa dad asal ahaan somaliya kasoo jeedo –
Dadka madowga ah ee ku nool maraykanka ee – african american – markii ay imaadeen ama qasabka lagu keenay maraykanka waxay lahaayeen luuqado in badan oo ayaga kamid ahna muslimiin ayay haayeen , laakiin kadib boqolaal sano waxaa cirib tirmay dhamaan wixii kala dhaxeeyay asalka meeshii ay ka imaadeen , jiilkii koobaad si 100% ayay uyaqaaneen luuqadoodi hooyo , jiilka xigayna 95% ayuu hoos udhac jiilba jiilka kadambeeyo waxaa sii yaraanaayay xiriirka ay la lahaayeen asalka meeshi ay ka imaadeen ilaa uu dabar go’ si rasmi ah
Waxaa jiro jiil somali ah oo ku dhashay qurbaha taasoo kadhigan in jiil dhamaystiran oo somali ah qurbaha jiraan – wiilashii iyo gabdhihii qurbaha kudhashay wixii kadambeeyay 1992 maanta caruur ayay dhaleen intii guursatay halkaas laba jiil ayaa ku sugan – jiilka kudhashay qurbaha farqi ayaa udhaxeeyo ayaga iyo waalidkooda dhinaca luuqada iyo dhaqanka sidaas darteed wixii jiilka koobaad ee somalida ay dhaleen way kasii darnaan doonaan dhinaca luuqada iyo dhaqanka aabayaashood jiilka koobaad ee qurbaha –
Marka koobaad waamaxay jiil ? jiilku waa marxalad cumriyadeed udhaxayso aabaha ama hooyada iyo waxa ay dhaleen , adigaan hadda akhrinaayo mowduucaan hadii uu awogaa noolyahay adiga iyo aabahaa awoowgaa waxaa tihiin sadex jiil kuma xirna in aad qurbo joogto-
Dadka muhaajiriinta ah xilliyada qaar caruurta ay qurbaha ku dhaleen waxaa lagu magacaabaa ” jiilka koobaad ee muhaajiriinta ” inkastoo xiliyada qaar lagu magacaabo – jiilka labaad ee muhaajiriinta – ayadoo jiilka koobaad laga dhigaayo aaba yaashood qurbaha imaaday ayagoo waa weyn – hadii aan raacno qaabka labaad waxay kadhigantahay in 3 jiil oo somali ah qurbaha joogaan – jiilkii koobaad ee ayagu imaaday qurbaha jiilka labaad oo ah caruurta ay dhaleen , jiilka sadexaad oo ah caruurta qurbaha ku dhalatay waxa ay dhaleen – ( fiiro gaar ah waxaan ka hadlaayaa somalida qurbaha imaaday wixii burbruka kadambeeya )
jiilka koobaad si 100% ayay dhaqanka iyo luuqada uyaqaanaan laakiin jiilka labaad wuu ka liitaan luuqad ahaan iyo dhaqanka halka jiilka sadexaad uu kasii daranyahay jiilka labaad ee aabayshooda ah ee ku dhashay qurbaha , sidaas darteed waxaa sii yaraan jiilba jiilka kasii dambeeyo xiriirkii kala dhaxeeyay asalka meesha ay ka imaadeen ilaa marka dambe uu dabar go oo lawaayo xiriirka asal ee luuqad iyo dhaqan ( diinta waxaa macquul ah in ay hastaan waana arin naga yaraynaayo naxdinta isbadlak jiilasha ) – sida ku dhacday madowg maraykanka qaar aan badnayn ayaa diinta haysto –
cadaanka reer yurub markii ay gaareen waqooyiga ameerika waxay bilaabeen in ay gumaadaan malaayiin ah dadkii halkaas loogu tagay ee hindida taariikh yahanada qaar ayaa leh dadka la xasuuqay ilaa 60 milyan ayay gaareen oo hindi ah , kadibna cadaanku waxay ubaahdeen dad uga ushaqeeyo dhulkaas barwaaqada ah ee cusub – new world – intaas kadib waxay afka saareen dhanka galbeedka afrika waxayna soo rarteen malaayiin afrikaan ah dadkaas lasoo adoonsaday luuqado kale ayay ku hdli jireen sidaan soo sheegnay laakiin waxaa soconaayo luuqada ninka cad ee awooda leh waxaana dabar go ay luuqadii iyo asalkii madowga boqolaal sano kadib
وَمَا كُنتَ بِجَانِبِ الْغَرْبِيِّ إِذْ قَضَيْنَا إِلَىٰ مُوسَى الْأَمْرَ وَمَا كُنتَ مِنَ الشَّاهِدِينَ (44) وَلَٰكِنَّا أَنشَأْنَا قُرُونًا فَتَطَاوَلَ عَلَيْهِمُ الْعُمُرُ ۚ وَمَا كُنتَ ثَاوِيًا فِي أَهْلِ مَدْيَنَ تَتْلُو عَلَيْهِمْ آيَاتِنَا وَلَٰكِنَّا كُنَّا مُرْسِلِينَ
aayadaan kor ku xusan waxaan ula jeedaa in xitaa diinta dadku hilmaamayaan hadii waqtid heer kasoo wareegto – ilaahay wuxuu leeyahay muxamdow waxaan abuurnay umado nabi muuse kadib – فتطاول عليهم العمر – waqtigii ayaa ku dheeraaday taasoo keentay in ay iloobaan balantii alle iyo xaqii –
waqtigu wuxu badalaa umadaha luuqada iyo jiritaanka – hadii aadan lahayn awood aad ku hor istaakto isbadalka waqtiga jiritaankaada iyo wax aatahay wuxuu noqon doonaa wax lagu sheekaysto oo ku qoran kaliye bogaga taariikhda , kutubka maktabadaha boorka ku dilay kaliye ayaa lagaa heli in aad ahayd qof ama umad jirto
waqtiga iyo samanku in uu yahay dilaa – mushrikiintii carabta markii nabigu ugu yeeray diinta una sheegay in allah waxna nooleeyo waxna dilo waxay ku jawaabeen
– وَقَالُوا مَا هِيَ إِلَّا حَيَاتُنَا الدُّنْيَا نَمُوتُ وَنَحْيَا وَمَا يُهْلِكُنَا إِلَّا الدَّهْرُ ۚ وَمَا لَهُم بِذَٰلِكَ مِنْ عِلْمٍ ۖ إِنْ هُمْ إِلَّا يَظُنُّونَ –
waqtiga ayaa nadilaayo kaliye geerideena waa sidaas – inkastoo caqligoodu gaabnaa hadana waxay arkaayeen in samanku yahay seef badasho umadah – laakiin ma ayna ogayn in allah abuuray samanka kana midyahay khalqigiisa –
waxaa laga yaabaa in aad is waydiiso hadii dalkii xasilo oo barwaaqadu meelkasta waranto somalida way soo laaban qurbaha joogto – somalidu masoo wada laaban doonto hadii arinkaas dhaco sababtoo ah waxaa is badalay micnaha qurbo – dadka ku dhashay qurbaha waligood aanan arag dalkii sida dabiiciga ah meesha ay ku dhasheen ayaa dal u ah halka dalkii ay asal kasoo jeedaan micno ahaan qurbo noqonaayo – sidaas darteed ha sugin in somalid aqurbaha ku dhalatay kuna bar baaray ay kasoo tagaan meesha ay kud hasheen imaadaana wadan qurba ah laakiin asal ahaan ay kasoo jeedaan – ” waa xaalad adag waxaan ku qasbanahay in aan qirano waaqicaas qaraar ee jiro “
ilaahay ayaan waydiisanaynaa in wixii wanaagsan nawaafajiyo
Omar inshar
www.youtube.com/ogaansho
www.facebook.com/ogaansho

Related posts

Leave a Comment