Turkiga oo sheegay inuu fulinaayo balan qaadkii ahaa inuu 10-kun Guri ka dhisayo Soomaaliya

sep 28 dunida24.com   Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Olgan bekar oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay sii wadi  doonaan  arrimo badan oo ay kamid yihiin caawinaada turkiga uu siiyo Soomaaliya sida gargaarka, Caafimaadka, Mashaariicda horumarineed iyo kuwa kale. Danjire Olgan Bekar, Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya oo ka hadlayey Ballan qaadkii uu sameeyey Madaxweynaha Turkiga booqashadiisii ugu dambeysay ee Muqdisho uu ku yimid ee ahaa 10-kun oo guri in ay ka dhisi doonaan Soomaaliya, ayaa sheegay in Mashruucaasi fullintiisa ay ku howlan yihiin, isagoo xusay in…

Xaaf:-“Diyaaradaha Muqdisho Kasoo Duullo Ma Imaan Karaan Cadaado”

sep28 dunida24.com    Xili xiisada siyasadeed ee ka tagan Magaalada Cadaado ay cirka isku sii shareereyso ayaa waxaa Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane Xaaf waxa uu soo saaray war Qoraal ah oo uu ku mamnuucay in Diyaaradaha ka kicitima Magaalada Muqdisho aynan ka degi kari Cadaado ilaa iyo amar dambe. amarkaan lagu soo rogay Diyaaradaha ka duula Muqdisho ee ka degta Cadaado ayaa u muuqda mid sii hurinaayo xiisada siyaasadeed ee ka taagan Maamulka Galmudug, Duulimaadyadii dadka rakaabka ee Muqdisho iyo Cadaado ayaa saameyn xoogan uu amarkan ku yeelanaaya. Warkaan Qoraalka…

Dowladda Federaalka Oo Ka Hadashay Xiisada Kala Dhexeysa Maamul Gobaleedyada Dalka

sep 28 dunida24.com    Dowladda Somalia ayaa ka hadashay xiisadda kala dhaxeysa maamul-goboleedyada Somaliya ee ka dhalatay arrimaha khaliijka. Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar  ayaa sheegay in maamul goboleedyada Soomaaliya aysan haysan sharciyad ay dowlado shisheeye heshiis kula galaan, oo howshaasi ay uga danbeeyaan dowladda dhexe. Yusuf Garaad Cumar Axmed ayaa sheegay in dowladda dhexe ay diyaar u tahay inay dhageysato oo ay qanciso wixii ay tabanayaan maamul-goboleeyadu. Wasiirka oo ka mid ah wafdi la socca madaxweynaha oo booqnaya Sacuudiga, ayaa dhinaca kale sheegay inay madaxda Sacuudiga isku…

Akhriso faah faahin ku saabsan kulankii Madaxweyne Farmaajo iyo Boqorka Sacuusiga

sep28 dunida.com Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo safar shaqo ku jooga Boqortooyada Sucuudi Carabiya, ayaa maanta la kulmay Boqor Salmaan Bin Cabdi Casiis. Madaxweynaha oo qado sharaf loogu sameeyay Qasriga Nabadda ee magaalada Jeddah ayaa waxaa soo dhaweyntiisa ka qeybgalay Amiirro iyo Wasiirro ka tirsan Boqortooyada Sucuudiga. Madaxweynaha Soomaaliya waxaa Qasriga uu deggan yahay ku soo boogday Amiirka leh Dhaxalka Boqortooyada Sucuudiga, Maxamed Bin Salmaan, oo isla markaana ah Wasiirka Difaaca. Madaxweynaha waxay ka wadahadleen Boqorka iyo Dhaxal-Sugaha Boqorooyada Sucuudiga xoojinta xiriirka faca weyn ee labada…