Guddoomiyaha Hay’adda Culumada Somaliyeed Oo Lagu Soo Dhaweeyey Magaalada Khartuum+Sawirro

Sep 30(Dunida24).Kulankan lagu soo dhaweynayay Culimada kala ah, Sheekh bashiir  Axmed Salaad  oo ah Gudoomiyaha Hay”adda Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Maxamuud ciise, Maamulaha jaamacadda islaamiya ee Soomaaliya iyo Maxamuud Cabdiraxmaan oo ah barre wax ka dhiga jaamacado ku yaala dalka ingriiska ayaa waxaa kasoo qayb galay diblumaasiyiin ka socotay Safaaradda Soomaaliyeed ee suudaan, Madaxda Jaaliyadda, Culimada, Aqoonyahanada iyo Ganacsatada Soomaaliyeed ee Suudaan. Soo dhawaynta ka dib ayuu Sheekh Bashiir Axmed Salaad kaga warbixiyay Soomaalida Suudaan xaaladda dalka uu ku suganyahay haatan, isagga oo sheegay in is badal dhan walba ah muuqdo,…

UAE To build $132mn Mock ‘Martian City’ in The Desert

The United Arab Emirates has announced plans to build a ‘Martian City’ on Earth in preparation for humanity’s planned colonization of the Red Planet. The 1.9 million square foot (176,5151 square meters) Mars Science city project was launched by the UAE earlier this week and is estimated to cost AED 500 million ($136 million). Once completed, the Mars Science city will be the largest simulated off-world environment ever constructed and will feature laboratories for food, energy and water research and development projects as well as extraterrestrial agricultural testing. The laboratories will be…

Musuq Maasuqii Aad u Weyn Oo Laga Shegayo Dekada Muqdisho

Sep 30(Dunida24).Milkiilayaasha Gaadiidka waaweyn ee Alaabta ka soo qaada Dekada  Muqdisho ayaa ka cabanayo lacago sharci darro ah oo uu ka qaado Maamulka Dekedda Muqdisho. Xuseen Maxamuud Qaloocow oo ka mid ah Gaadiidleyda Alaabaha ka soo rara Dekedda Muqdisho oo la hadlay mid ka mid ah idacadaha Muqdisho ayaa sheegay in Baabuur kasta oo gelaya Dekada laga qaado lacag 350 dollar ah laakiin Boonooyin been abuur ah oo ay sameysteen ay ku qoraan Lacag  10 Dollar kaliya in ay qaadeen taas oo si toos ah ay u qadaan Maamulka Dekada…

Faallo:Danteennu Waxay ku Jirtaa in Loo Qumo Dhismaha Dalka

Sep 30(Dunida24).Waxaa xaqiiqi ah in Marxalad ama xaalad kasta oo aadaanuhu ku soo biiro dunidaan uu xambaarsan yahay ama huwan yahay waajibaad Qaran oo  la xiriira ilaalinta Dalka,daryeelka  Bulshada, ka qeybgalka barnaamijyada horumarineed  iyo dhismaha  goobaha laga fuliyo adeegyada Umadda . Ma jiro qof ama koox leh nidaam  dhameystiran,isla markaana   ifka yimid iyadoo aysan la socon mas’uuliyad  nolosha ka saacida sidii ay uga bixi laheyd turunturooyinka iyo aafooyinka kale ee ku  xeeran dunida. Inkastoo dadka Somaaliyeed ay ku soo caanamaaleen  mashruuc la magac baxay iskaa wax u qabso, oo la…

Ciidamadii Qal Qalka Galiyay Ammaanka Magaalada Cadaado Oo Banaanka Looga Saaray

Sep 30(Dunida24). Mahad Salad oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha shacabka ah,islamarkaana ka mid ahaa Xildhibaanadii dhawaan Magaalada Cadaado u tagay Xalinta Xiisada u Dhexeysa Madaxda galmudug ayaa waxaa sheegeen in Ciidamo badan ay ka saaray Magaalada Cadaado ee Gobalka Galgaduud ,waxaana Ciidamada la geeyay Baro Cayiman oo ku yaalla Banaanka Magaalada. Sidoo kale Xidhibaan Mahad ayaa Xusay in Ciidamadan ay ku milmeen Mudooyinkii ugu dambeeyay Xiisada u dhexeysa Madaxda Maamulka galmudug,wuxuuna sheegay in Saakay Ciidamada ay kula hadleen Magaalada gilinsoor,waxaana ay ugu baaqeen Ciidamada in ay ku laabtaan Gobihii…

Koonfur Afrika Oo Fasaxaysa Hawlihii Qaabilaadda Qaxootiga Cusub

Sep 30(Dunida24).Maxkamadda sare ee Racfaanka ee Dalka Koonfur Afrika, (Supreme Court of Appeal) ayaa  ku dhawaaqday in dib loo furi doono hawlihii qaabilaadda Qaxootiga cusub ee Magaalada Cape Town, kaasi oo albaabada loo laabay sanooyin ka hor. Maxkamadda, ayaa sheegtay in Xukunkii lagu xiray 2012 qeybtii qaabilaadda Dadka cusub ee Cape Town, ay aheyd sharci darro, sidoo kale waxa ay sharci darro baahsan ku tilmaantay go’aankii ahaa in dhammaan sharciyada cusub ee Qaxootiga loo raro xaduudda dalka. Amarkii ay Maxkamadda sare ee Racfaanka soo saartay, ayaa ah in si rasmi…

Xildhibaanadii Tegay Cadaado Oo Lagu Eedeeyay Hurinta Khilaafka Madaxda Galmudug

Sep 30(Dunida24).Dhawaan Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG,ka ah ee Maamulka Galmudug waxaa tegay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya si ay xal uga gaaraanb khilaafkii u dhaxeeyay Madaxda Maamulka Galmudug oo weli ka taagan Cadaado. Xildhibaanadaas ayaa mudo kadib waxa ay soo saareen War-Saxaafadeed ay ku sheegeen in ay ku guuldareesteen xalka gaarista khilaafka Madaxda Galmudug iyaga oo sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay faraha kula jirto. Farxiyo Xasan Cali oo ka mid ah Xildhibaanada Maamulka Galmudug oo wareysi siiyay mid ka mid ah idacadaha muqdisho ayaa sheegtay in khilaafka ka…

Shabaab Oo Burburiyay Buundada Bariire+Sawirro

Sep 30(Dunida24).Mas’uuliyiin ka Tirsan maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose iyo saraakiil ka tirsan ciidanka Milatariga ayaa gaaray Deegaanka Bariire markii uu dagaalka joogsaday kadib, waxa ayna xubnahan u kuur galayeen khasaaraha ka dhashay dagaalkii  ka dhacay Deegaankaasi. Taliyaha guutada 20-aad ee ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Sheegow Axmed Cali oo tagay deegaanka Bariire ayaa sheegay in Ciidanka Milatariga iska caabiyeen Weerar uga yimid  dagaalyahanada Xarakada Al Shabaab, waxa uuna tilmaamay in weerarkaasi khasaaro ku gaarsiiyeen dagaalyahanadii soo weeraray. Dhanka kale Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa sheegay in xaalada…

Farmaajo Oo Maanta Xariga Ka jaraya Saldhiga Militiriga Turkiga Ee Muqdisho

Sep 30(Dunida24).Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed(Farmaajo) iyo taliyaha ciidamada xoogga dalka turkey-ga ayaa lagu wadaa in ay maanta si wadajir ah u furan saldhiga malatari ee dowladda Turky-ga ka dhistay magaaladda muqdisho. sida ay sheegayaan wararka madaxweynaha iyo taliyaha ciidamada milateriga turkiga gen. halusi akar oo shalay soo gaaray  magaaladda muqdisho ayaa la sheegay inay si wadajir ah ay u furi doonaan saldhigga milateri kaasi oo loogu maarmi doono in ciidamada dowladda soomaliya lagu soo tababaro dalka dibadiisa. Saldhigaan ayaa dhawaan lagu xareyn doonaa illaa 1,500 askari, halkaasoo…