Jadwalka isku shiilan ee Horyaalka Ingiriiska “masiibo” ayuu ku yahay ciyaartoyda, ayuu yiri tababaraha Manchester City Pep Guardiola.

City oo 12 dhibcood ku hogaaminaysa Horyaalka hal ciyaarna ay u dhiman tahay ayaa Talaadada la dheeli doonta Watford taas oo noqon doonta ciyaartii afraad ee ay dheelaan muddo 11 maalmood ah xilli fasaxeedkan. Guardiola waxaa ka dhaawacmay Gabriel Jesus iyo Kevin de Bruyne oo ah labo ciyaartoy oo muhiim u ah, waxay dhaawacyadaasi soo gareen intii ay socotay ciyaartii ay Axaddii la yeelatay Crystal Palace. Tababarahan reer Spain ayaa sheegay “Haddii aad i waydiiso farsamo ahaan iyo jir ahaan ma u wanaagsan tahay ciyaartoyda: maya ee waa masiibo.” City…

Pakistan-US war of words over Donald Trump’s tweet

Pakistan has hit back after accusations of deception and providing a safe haven for “terrorists”, levelled by US President Donald Trump via Twitter. In his first tweet of the year on Monday, Trump threatened to cut aid to Pakistan for allegedly lying to the US and offering “little help” in hunting “terrorists” in Afghanistan. “The United States has foolishly given Pakistan more than $33 billion in aid over the last 15 years, and they have given us nothing but lies and deceit, thinking of our leaders as fools,” Trump said. “They give safe haven to the terrorists we hunt…

Dibadbaxyo wali ka soconaya Iiraan

Dibad baxyo Xooggan ayaa  maalintii labaadka soconaya Wadanka Iiraan kaasoo ay dhigayaan Muwaadiniinta Reer Iiraan Bananbaxa ayaa galay Maanta. Muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya dibadbaxayaasha oo isku dayaya in ay qabsadaan saldhig boolii islamarkana qayb ka mid ah dhismaha dab la qabadsiiyay. Mar sii horeysay xukuumadda Iiraan ayaa sheegtay in nin ka mid ah dibadbaxayaasha oo ku hubaysan qori ah nooca lagu ugaarto uu dilay nin booliis ah . Ilaa iyo imika waxa dibadbaxyada Iiraan ku dhintay 13 qof. Madaxwaynaha dalka Iiraan Xasan Ruuxaani ayaa si wayn u…

Guddiyadda joogtada ah ee Golaha Aqalka sare JFS oo maanta kulan yeeshay

Guddiyadda Joogtada ee Aqalka Sare,  ayaa ka shiray Xiritaanka Kalfadhiga Labaad ee Golaha Aqalka iyo Safar Shaqo Xubno ka tirsan Golaha ku aadayaan Maamulka Hirshabeele iyo Qodobo kale. Waxaa kullankooda Shir-guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee JFS, waxaana Habdhowraha Aqalka Sare Sanater C/kaafi  Macalin Xasan oo Warbaahinta qaranka la hadlay uu sheegay in muhiimaddu tahay in dhowaan soo xirmayo kalfadhiga Labaad Golaha Aqalka Sare. “Dhowaan waxaa soo xirmaya Kalfadhiga labaad ee Golaha Aqalka sare haddii alle idmo,  waxaa kale oo jira safar shaqo oo lagu tagayo Maamulka Hirshabeelle,  arrintaasna muhiim…

Xiriirka Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaradka oo xumaaday.

Xiriirka u dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaradka Carabta ayaa la sheegay in uu xumaaday kadib markii Imaaraadka uu saameyn Balaaran ku yeeshay Arimaha Soomaaliya sida laga soo xigtay Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo dhinaca Siyaasadda ah. Qaar ka mid ah Warbaahinta Caalamka oo soo xiganaya siyaasiin Soomaali ah oo ay ku jiraan Xildhibaano iyo la-taliyaal muhiim ayaa qoray in uu Mugdi sii galyo xiriirka Labada Dowladood. Warbaahin ka soo baxda Maraykanka iyo Qatar majaladda la yiraahdo international Africa oo wax ku qorta Luqdda English-ka ayaa sheegay in Imaaraadka 3 Duulimaad…

War-saxaafadeed-: Dowladda oo Amaro kusoo rogtay Masaajidyada iyo Xarumaha lagu barto Arimaha Diinta

War-saxaafadeed maanta laga soo saaray Wasaaradda Arimaha Diinta iyo Ow-qaafta  ee Soomaaliya ayaa amar lagu dul-dhigay Maamullada Masaajidyada iyo Xarumaha Diinta lagu barto ee ku yaalla Magaaladda Muqdisho iyo dhammaan Gobolada dalka Soomaaliya. Wasaaradda ayaa sheegtay in arintaan ay oga gol-leedaha ka war heynta Goobaha lagu barto arimaha Diinta iyo Masaajiyada, halkaasi oo Dowlada Soomaaliya aaminsan tahay in ay ka soo bilaawdaan Fikirka Al-Shabaab.

Aabaha Dhalay Guddoomiyaha Maxkamadda CQS oo Muqdisho Lagu Dilay

Alle ha u naxariistee Koox hubeysan ayaa caawa magaalada Muqdisho ku toogtay Aabaha dhalay Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada qalabla sida ee Soomaaliya. Dalka ayaa ka dhacay xaafadda suuq Boocle ee degmada Dharkeynlay ee Gobalka Banaadir waxaana hada socda Baaritaano arintaas la xariira. Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabaa Nuur Cali Shuute, waxa uuna dhalay Guddoomiyaha Darajada 1-aad ee Maxkamadda Ciidamada qalab sida ee Soomaaliya Xasan Nuur Cali Shuute.

Diyaarado Duqeeyay Gaari La Sheegay in ay ku Rarnaayeen Qaraxyo Muqdisho ku Soo Wajahnaa

Wararka naga soo garayo duleedka degmada Afgooye ee gobalka Shabeelaha Hoose ayaa soo sheegaya in Diyaarado dagaal ay duqeeyeen Gaari la sheegay in ay ka buuxeen waxyaabaha Qarxa oo Muqdisho ku soo wajahnaa. Goob joogayaal ayaa xaqiijiyay in ay maqlayn dhawaaqa Madaafiic kadibne ay xigtay Dhawaaqa qaraxyo kale. Diyaaradaha ayaa duqeeyay Gaari Caasi ah oo marayay deegaan qiyaastii 30 KM u jira afgooye socday, waxaana saraamiisha amaanka sheegayaan in uu Muqdisho ku soo wajahnaa. Dhinaca kale xubno ka tirsan maamulka ayaa sheegay in ay jiraan warar kale oo sheegaya in Gaariga…