Maxkamada sare ee dalka oo maanta furtay dacwad ku saabsan Laba kursi oo ka banaan Golaha shacabka.

Maxkamada sare dalka ayaa maanta u fadhiisatay dhageysiga dacwad laxariirta laba kursi oo banaan kana mid ah barlamaanka somaaliya, labada kursi ayaa mid Waxaa ka dhintay allaha unaxariistee wasiirkii howlaha guud Cabaas Siraaji halka midkalana uu baneeyay taliyihii hore ee nabad sugida iyo sirdoonka qaranka C.llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe. Dastuurka dalka ayaa qaba in hadii uu banaanaado kursi ka mid ah kuraas golaha shacabka in kursigaas aan loo tartamin karin isla markaana si toos ah loogu magacaabo shaqsigii markii hore laga guuleystay sida hadalka u dhigay Wasiiro dowlihii hore ee…

Al-shabaab:-“30-askari oo Ka Tirsanaa Malatariga Kenya, Ayaan Dilnay”,

Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax Miino oo Ciidamadda Malatariga kenya lagula eegtay deegaan ka Tirsan Magaaladda Mandheera ee Gobolka Woqooyi bari ee dalkaas. Qaraxaan ayaa la kacay sida la sheegay gaari nuuca ciidanka xambaara ah oo ay la socdeen ciidamada melleteriga Kenya ee KDF-ta loo yaqaan. Qaraxa ayaa haleelay ciidamo ka baxay dhanka degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo kunasii jeeday gudaha Kenya. Warbaahinta Al-shabaab ayaa lagu baahiyay in qaraxa ay ku dhinteen 30-askari oo ka tirsanaa Malatariga kenya. Dhanka kale Ilaa haatan ma jiro wax war ah oo…

Tahriibayaal ku Dhintay badda Liibiya iyo Talyaaniga u Dhexeysa

Wararka laga helaya Dalka Liibiya ayaa sheegaya in Ugu yaraan 8 qof ay ku dhimatay badda 84 kalena waa la soo badbaadiyay ka dib markii doon ay la socdeen ay ku degtay badda u dhaxaysa Liibiya iyo Talyaaniga,iyadoo sidoo kale la la’yahay dad kale oo doonta saarnaa sida ay sheegtay hay’ad dalka Spian laga leeyahay. Waxaa soconaya dadaalo lagu baadi goobaya kuwa kale ee badda dhexdeeda lagu la’yahay,waxaana dadkan doontoa la degtay ay noqonaya dhacdadii ugu horeeysay ee sanadkan cusub dhaca. Ciidamada ilaalada xeebaha ayaa sheegaya in qalabka wax lagu…

Marwada 1-aad Ee Madaxweynaha Oo Shalay Qado Sharaf u Sameysay Fanaanad Nakruumo

Marwada 1-aad ee Madaxweynaha JFS Marwo Saynab Cabdi Macallim ayaa shalay Qado sharaf u sameysay fanaanadda Faadumo Cali Nakruuma, Luul Cali Xasan, Sahro Xaaji Xasan iyo Arda Bilan. Marwo Seynab Cabdi Macallim oo qadadaasi kadib la hadashay Haweenkaasi ayaa tiri, “waxaan idin leeyahay ku soo dhawaada dalkiina hooyo”. Marwadu waxay kaloo tiri, “Farxad bay noo wada tahay inaan aragno adiga iyo fannaaniinta kale oo kaalin muuqata ka qaadanaya wacyigelinta bulshada Soomaaliyeed”. Fanaanad Faadumo Cali Nakruuma iyo kuwa kale ayaa maalmahaamba ku sugnaa Dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho, kuwaasi la kulmay…

Bukaanno ka bogsaday Qaraxii Zoppe Oo Dalka Dib ugu Soo laabtay

Shan ka mid ah dhaawacyadii bishii December loo qaaday dalka Masar aya dib loogu celiyay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo xaaladooda caafimaad ay soo hagaagtay. Bukaanada ka bogsaday dhaawacii ka so gaaray qaraxii isgoyska zoobe ka dhacay 14kii bishii Octobar aya garoonka diyaaradaha ee magaalada qaahira waxaa ku sii sagootiyay Safiir ku xigeenka Safaarada Masar Ilyaas sheikh Cumar ahna sii hayaha Safaarada, waxaana uu ku wareejiyay lacago deeq ah oo ay iska soo aruursheen jaalliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Masar. Mid kamid ah bukaanada aya u mahadceliyay garab istaaga ay u muujiyeen…

Dowlada Somaliya Oo Magdhaw Lasiin Doono Hadii ay ku Guuleysto Muranka Badda Ee kala Dhaxeeya Kenya

Dowladda kenya ayaa lagu qasbi doonaa in Soomaaliya magdhaw ka siiso  saliid baarista ay ka sameeysay badda muranku uu ka taaganyahay, hadii dowladda kenya ay ku guul dareeysato  dacwadda badda ee taala Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda. Xeer ilaaliyaha guud ee kenya Githu Muigai ayaa dhameeystiray Jawaabtii ay Maxkmaaddu ka sugaysay bishii lasoo dhaafay hase ahaatee warbaahinta kenya ayaa Warinaysa in Saraakiisha dacwadda qaabilsan ee kenya ay wali ka aamusanyihiin nuuca ay tahay Jawaabta isdifaaca ah ee ay maxkamadda geeyeen. “Nasiib darro macquulna ma ahan in la shaaciyo Dukumintiyadda uxareeysan…

Soo Dhaweyntii Madaxweyne Farmaajo Ee Garoowe+Sawirro

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa goor dhaw wuxuu gaaray Magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntland, halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyay. Madaxweynha iyo wafdigii lasocday ayaa Garoonka diyaaradaha ee magaalada Garawe ayaa siweyn loogu soo dhaweeyay, waxaana halkaasi lagu sii diyaariyay ciidamo ka tirsan kuwa Puntland oo soo dhaweynta Wafdiga Madaxweynaha u diyaarsanaa. Sidoo kale dad aad u fara badan oo xaafadaha Magaalada Garowe isaga kala yimid, ayaa qayb ka ahaa soo dhaweynta Wafdiga Madaxweynaha ee maanta ka dagay Magaalada Garowe. Ammaanka Garoowe ayaa si wayn loo…