Soomaaliland Iyo Jabuuti Oo Heshiis Kala Saxiixday

Maalma ka hor ayay aheyd markii Madaxweynaha Cusub ee maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi uu tago dalka Jabuuti halkaas oo uu wadahadalo kula yeeshay madaxweynaha dalkaasi Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle. Madaxweyne Geelle ayaa Casuumaad u fidiyay Muuse Biixi oo ay wadaagaan Xaduud,isla markaana ay iska kaashaadaan arrimo ay ka mid yihiin amniga. Wasiirka Arrimaha dibada Soomaaliland Dr Sacad Cali shire ayaa sheegay in labada madaxweyne ay kulan wada qaateen iyaga oo ku heshiiyay qodobo ay ka mid yihiin Amniga, Dhaqaalaha iyo sidoo kale qodobo kale oo muhiim ah. Sidoo kale…

Ciidamada Soomaaliland Oo La Wareegay Deegaanka Tukaraq Ee Gobolka Sool

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidmada Maamulka Soomaaliland ay saakay weerareen deegaanka Tukaraq oo ay ku sugnaayeen Ciidamada Maamulka Puntland. Dagaal kooban oo mudo socday ayaa la soo sheegayaa in uu halkaasi ku dhexmaray labada ciidan taas oo ugu dambeyn sababtay in Ciidamada Soomaaliland ay deegaankaas la wareegaan. Dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegeen in ciidamada Somaliland oo wata gaadiidka dagaalka oo fara badan inay ku sugan yihiin tuulada Tukaraq. Tuulada Tukaraq oo hoostagta Magaalada laascaanood ayaa tiro dhowr jeer ay ku wada dagaalameen…

Wasiirada Arrimaha Dibadda iyo Gudaha Oo Xilkii La Wareegay

Munaasabado ay xilalka kula wareegayeen Wasiirada arrimaha gudaha iyo dibadad Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho,iyadoo uu goob joog ka ahaa Ra”iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Mahdi Maxmed Guuleed,Wasiiro,xildhibaano iyo mas’uuliyiinta Wasaaradahaasi. Intii ay socdeen munaasabadaasi xil wareejinta ah waxaa lagu soo bandhigay waxqabdka Wasiiradii hore ee Arrimaha Gudaha iyo Dibadda Yuusuf Garaad Cumar iyo Cabdi Faarax Siciid (Juxa),iyadoo sidoo kale lagu soo dhaweeyey Wasiirada cusub ee Wasaaradahaasi,Mudane Axmed Ciise Cawad Wasiirka arrimaha dibadda iyo Cabdi Maxamed Sabriye Wasiirka arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib u…

Iiraan Oo Sheegtay in burcadbadeedda Soomaalida La Maalgaliyo Si Awooddeeda Dhaqaale Loola Diriro

Sida laga soo xigtay sarkaal sare oo katirsan ciidamada badda ee wadanka Iiraan ayaa sheegay xilli uu ka hadlay xaflad soo dhaweeyn aheed oo loo sameeyay cutubyo katirsan ciidamada badda Iiiraan, kadib markii ey soo afjareen sahan  dhanka badda ah oo ciidamada Iiran ey ka wadeen badda caalamiga ah oo 67maalmood soconayay eyna ka qeyb qaateen 49 markiib iyo doonyo isu jiray. Sarkaalkan ayaa sheegay in ey jiraan wadamo iyo kooxo taageero maal iyo xogba isu jirta ugu tabaruca kooxahan kuwaa oo ujeedkood yahay sidii ey ucuuryaamin lahaayeen dhaqaalaha wadanka…

Ciidamo Ka kala tirsan Puntland iyo Somaliland Oo ku Dagaalamaya deegaanka God Qaboobe.

Waararka ka imaanaya deegaanka God Qaboobe ayaa tilmaamaya in hada uu kasocdo dagaal u dhaxeeya Ciidamada Soomaaliland iyo Puntland, deegaankaas ayaa ku dhaw deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool oo Saakay ciidamada Somaliland ay la wareegeen. Sidda ay inoo xaqiijiyeen dadka degaanka dagaalka ayaa ah mid xooggan, waxaana labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka culus iyo midka fudud. Dagaalkaan ayaa daba socda dagaal  Saakay aroortii ka dhacay degaanka Tukaraq ee gobolka Sool. Dhanka kale dadka ku nool Magaalada Laascaanood ayaa soo sheegaya in ay jiraan Khasaare Dhimasho iyo dhaawac ah oo…

Farmaajo Oo Xariga ka jaray Garoonka Cusub Ee Magaalada Garowe.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo & madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa daah-furay garoonka diyaaradaha ee Janaraal Maxamed Abshir Muuse ee magaalada Garoowe. General Maxamed Abshir Muuse Oo looga magacdaray garoonkaan ayaa ka mid ahaa saraakiisha ciidamada xoogga sidoo kale wuxuu ka mid ahaa mas`uuliyiintii wax ka dhisay maamulka puntland, ayadoona maanta loogu magacdaray garoonka cusub ee magaalada Garowe. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo shalay gaaray magaalada Garoowe ayaa kulamo wadatashi ah xalay la yeeshay Madaxda Maamulka…