Shirka Golaha Wasiiradda Oo Loogu Hadlay Amniga Sharciga Shaqaallaha Rayidka ah iyo Arrimo kale

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre,  ayaa maanta shir guddoomiyey kulanka Khamiislaha ah ee Golaha Wasiiradda Soomaaliya oo looga hadlay qodobo ay kamid yihiin Xaaladda Amniga dalka, Sharciga Shaqaallaha Rayidka ah iyo arrimo kale,  waxaana warbixino looga dhageystay kulankaasi Wasiirka Amniga gudaha iyo Wasiirka Gaashaandhigga dalka. Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Cumar Yariisoow, ayaa warbaahinta uga warbixiyey kulanka Golaha wasiiradda ay yeesheen, waxaana uu sheegay in Golaha warbixinadii lasoo hordhigay ee Amniga ku saabsan ay kamid yihiin in Shaqsi 60 jir ah…

Wariyaal Iyo Dad Dhigayey Dibad Baxyo Looga Soo Horjeedo Madaxweyne Farmaajo Oo Lagu Xiray Gaalkacyo

Maamulka Galmudug ayaa Xabsiga dhigay ku Dhawaad 50-Ruux oo ka mid ahaa dad maanta Gaalkacyo ka dhigay Dibad-bax, looga soo horjeedo Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka Maxamed Cabdulaahi Farmaajo  oo Asbuucaan socdaal ku mari doona deegaanada Maamulka Galmudug. Dadka la Xar-xiray ayaa waxaa ka mid ah Wariye Hanad Cabdi Faarax oo ah Agaasimaha Idaacada Codka Mudug oo ku taala Magaalada Gaalkacyo, taasi oo Ciidamada Dowladda ay ku Eedeeyeen inay baahisay Codka iyo Sawiradda dadkii banaan baxa dhigayey. Mas’uuliyiinta laamaha Amniga Gaalkacyo ayaa iska Fogeeyey inay wax lag ah ku leeyihiin Xariga wariyahaan…

Boqolaal Qof Oo Kenyan ah Oo Cudurka Kuduudiyaha La ildaran

Wararka laga helaya deegaano iyo Gobolo kamid ah Dalka Kenya ayaaa sheegaya in cudurka Kaduudiyaha loo yaqaano uu faraba’an uu kuyahyo bulshada. Goobaha cudurkaasi uu ka dilaacay ayaa waxaa kamid ah Magaalada Mombasa iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobolka xeebta ee waddanka Kenya,halkaasi oo maalmihii la soo dhaafay uu xanuunka kaduudiyaha ku soo ritay tiro aad u badan oo dad ah. Sida ay sheegayaan dhaqaatiirka qaar kood,Xanuunka kaduudiyaha oo ay keento qaniinyada nooc ka mid ah kaneecada ayaa waxa uu leeyahay qandho aad u kulul, waxa uuna sidoo kale…

Dowladda Soomaaliya Oo Gaalkacyo ka Hirgelinaysa Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida

Wafdi uu hoggaaminayo taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ay wehliyeen, xildhibaanada labada  aqal ee laga soo doortay deeganadaasi, Saraakiil ka tirsan Wasaaradda gaashaandhigga iyo masuuliyiinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida  ee Soomaaliyeed  ayaa u joogo  Magaalada Gaalkacyo  dhameystirka dadaalka nabadeed ee dowladda dhexe ee Soomaaliya ka waddo magaaladaasi. Ciidama ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed oo ka madax baxnaan qaybaha 21-aad iyo 54-aad ee ka howlgala Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa lagu wareejiyay amniga magaalada iyagoo wixii ay u baahdaan ee deg-deg ah ay ka heli doonaan dowladda dhexe ee Soomaaliya…

Madaxweynaha Galmudug “Mudo Bil Ah Ayay Igu Qaadatay In Farmaajo Aan Ku Qanciyo In Uu Yimaado Gaalkacyo”

Axmed Ducaale Geele Xaaf Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa faah faahin ka bixiyay safarka madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo oo ku tagayo Deegaanada Maamulka Gaalmudug waxa uuna sheegay in MD Xaaf In ka dhaadhicinta Madaxweynaha JFS Safar uu ku tago deegaanada maamulkiisa y ku qaadatay muddo bil ah. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa todobaadkan safar oo uu ugu magic daray Socdaalka Nabadda waxa uu ku marayaa deegaana badan oo ka tirsan maamulada Puntland iyo Galmudug, Waa Madxweynihii ugu horeeyaay ee safar dhanka  dhulka ah isugu mara gobolla fara badan waxa uuna…

Milatariga Soomaaliya” Jawaab cad ayaa ka bixin doonaa Sarkaalkii ay Kenya nooga dishay Ceel-waaq”

Korneel Aadan Axmed Dufle oo kamid ah saraakiisha Ciidanka xooga dalka ee Ku sugan Gedo  Waxaa uu uga warbixiyay dagaal uu ku dhintay Sarkaal Soomaaliyeed oo Ciidanka Soomaaliyeed iyo kuwa Kenya ku dhexmaray Xadduuda labada Dal ee gobalka Gedo. Korneelka ayaa Waxaa uu sheegay In Kenya ay ku Soo duushay Dalkeyna taas oo dhalatay kadib markii Shacabka gobolka Gedo ay is hor istaageen Darbi ay Kenya ka dhiseyo dhulka Soomaaliyeed. Korneel Aadan Axmed ayaa Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in ay jawaab ka bixi doonaan sarkaal kaasi laga dilay ciidanka…