Dhacdooyinka

Akhriso-:Taariikhda Guddoomiyaha Cusub Ee Gobalka Banaadir

Guddoomiyaha Cusub ee Gobalka Banaadir Eng C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa maanta loo magacaabay Guddoomiyaha G/Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, waxa uuna badalayaa Guddoomiyihii hore ee Gobalka Taabid Cabdi Maxamed oo khilaaf siyaasadeed kala dhaxeeyo R/W Khayrre.

Eng Yariisow waa aqoon yahaan muddo dheer ku noolaa Dalka UK waxa uuna door fir fircoon ka soo qaatay Jaaliyadda Soomaalida ee ku nool Dalkaasi, sidoo kale waxa uu xilal ka soo qabtay Dowladda Hoose ee London.

9-kii Sano ee la soo dhaafay waxa uu ku dhax jiray Siyaasadda Soomaaliya, yariisow ayaa Soomaaliya Labo jeer ka soo noqday Wasiirka Warfaafinta, Sidoo kale Yariisow ayaa soo noqday Wasiirka Lacagta Xiligii ay jirtay Dowladii Shiikh Shariif Shiikh Axmed, afayeenka Madaxtooyada iyo La tiliye Sare ayuu sidoo kale noqday Guddoomiyaha Cusub ee G/Banaadir Eng C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow.

Magacaabista Guddoomiyaha Cusub ee gobalka Banaadir ayaa wali waxan ka hadlin Guddoomiyihii hore ee gobalka, oo xalay Labo sano usii doorteen Qaar ka mid ah Guddoomiyaha Degmooyinka iyo ku xigeenadooda, waxaana aqalka Dowladda Hoose doorashadaasi ka dib la wareegay Ciidamada amaanka Soomaaliya.

Leave a Reply