Al-shabaab:-“30-askari oo Ka Tirsanaa Malatariga Kenya, Ayaan Dilnay”,

Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax Miino oo Ciidamadda Malatariga kenya lagula eegtay deegaan ka Tirsan Magaaladda Mandheera ee Gobolka Woqooyi bari ee dalkaas.
Qaraxaan ayaa la kacay sida la sheegay gaari nuuca ciidanka xambaara ah oo ay la socdeen ciidamada melleteriga Kenya ee KDF-ta loo yaqaan.
Qaraxa ayaa haleelay ciidamo ka baxay dhanka degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo kunasii jeeday gudaha Kenya.
Warbaahinta Al-shabaab ayaa lagu baahiyay in qaraxa ay ku dhinteen 30-askari oo ka tirsanaa Malatariga kenya.
Dhanka kale Ilaa haatan ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Dowladda kenya oo loogu hadlaayo qaraxa.

Related posts

Leave a Comment