Baabi’inta Doorka Odayaashu waa bilowga Helitaanka Dowlad Rasmi ah

Oday dhaqameedyadu waxay door muhiim ah ku lahaayeen qaybaha kala duwan ee nolosha dadka soomaaliyeed. Doorkoodi wuxuu sii balaartay wixii ka danbeeyay burburkii dalka oo ay xuddun u noqdeen siyaasadda dalka, ilaa haddana waxaa sii socoto saamayntoodi. Hadda waxaa la wadaa in la sharciyeeyo kaalintooda oo loo sameeyo gole. Tusaale, hadda waxaa Koonfurta Soomaaliya ka socdo dadaal lagu dhisayo gole guurti oo ay yeelanayaan maamul goboleedyada. Su’aashu waxa ay tahay: tani ma horumarbaa mise waa dhib iyo dib u dhac soo kordhay?
Waagi hore iyo shaqada odayaasha
Wayadii hore adduunka oo dhan kama jirin dowlado dhexe. Waxaa loo dagi jiray beel beel iyo qowmiyad qowmiyad. Beel walba waxay dhignayd dowlad gaar ah. Sidaa darteed dal walba waxaa ka jiray dowlado yar yar oo tiro badan oo wada daris, isku dad iyo af ah ah. Dowladahaan waxaa madax ka ahaa Odayaasha. Ugaasku wuxuu ahaa madaxweynaha dalka. Nabaddoonada hoosana waxay joogeen boosaska wasiirada iyo hayadaha dowladda.
Odayaashu waxay qaban jireen dhammaan howlaha dowladda sida sugidda ammaanka, ilaalinta xuquuqda dadka ku abtirsado, bixinta dhiigga ay galaan iyo doonashada kan ka maqan. Maxkamad, qareen, boolis iyo ciidan intaba iyagaa ahaa. Dan walba waxaa ka horraysay midda beeshiisa iyada ayaana muqadas u ahayd.
Mabaadida ay ku dhisnayd hoggaaminta odayaashu wuxuu ahaa sadbursi iyo ismuujin. Isha ay ka waraabto shaqadoodu waxay ahayd eex, beeraha u baxayana waxayd ahaayeen caddaalad darro. Sax iyo qaladba waxay garab joogeen beelahooda. Marki la dhex joogo beesha dhexdeeda ee yasan jirin cid kale oo ay la garramayaan, ugaasku wuxuu u gacan bidixayn jifadiisa hoose ilaa ay eexdu gaarto qoyskiisa. Haddii ay ka fursan waydo waxaa laga yaabaa inuu caddaysto oo si toos ah ugu doodo.
Tusaale, Ugaas Xirsi, oo ka mid ahaa ugaaysadi ugu caansanaa gobollada waamo qarnigii labaatanaad, wuxuu ahaa nin ilaahay caqli iyo garsho siiyay, codkar, garyaqaan meel fog wax ka arko, hoggaamiye beeshiisu ka danbayso ah. Hase ahaatee, nidaamka uu ku dhex noolaa ee qofku dadnimadiisu ku muujin jiray dulmiga ayaa marar badan ka saari jiray dhexdhexaadnimada. Waxaa hal iksu qabsaday labo nin oo ay Ugaaska aad isagu dhawaayeen laakiin mid usii dhowaa.
Gartoodi ayaa la galay Ugaaska oo goobjoog ka ah. Ninki xigay ugaaska ayaa laga helay garta hashiina laga xukumay. Ugaas Xirsi oo garta dhagaysanayay waxaa u muuqatay in xigtadiisi garta looga helay hadal aqoon la’aan. Wuxuu yiri “garta ha lagu noqdo aniga ayaana booska hebel joogo oo hasha u doodayo”. Markii garti la furay ayuu yiri “Ugaasnimada ii qabta inta aan ninkaan kala baxayno. Hadda aniga oo Xirsi ah ayaa ninkaan hasha ku haysto”.
Allaha u raxmadee Ugaas Xirsi wuxuu dareensanaa in arrinta uu galayo aysan ahayn middii ugaas gali lahaa sidaas darteed intii uu eexda ku jiray ugaasnimadi waa loo sii hayay. In la waayo qof yiraahdo haddii aad dhigtay dib u qaadan maysid, waxa keenay maahayn in dadku wada dammanaa ee waxay ahayd in loo arkayay howsha uu galay mid sax ah waayo nidaamka oo dhan ayaa ku dhisnaa ismuquunin. Intaas waxaa dheer, in dhacdadaas waxba aysan u gaysan karaamada, maqaamka iyo sumcadda ugaaska, balse waxay ka mid noqotay waxyaabaha u galay taariikhdiisa wanaagsan ee mar walba la xuso.
Kuwa badan oo waqtiigsi noolaa iyo kuwa maanta nool intaba ma leh garasho ay xitaa saldanada ay hayaan meel u dhigtaan inta ay eexda iyo caddaalad darrada ku jiraan. Waxaa innoogu filan fahamka qadiyadaan hadalka qoraaga soomaliyeed ee Maxamed-Haykal Muxumed ee ahaa “Kolka si guud loo qiimeeyana, xeerka reernimadu uma xadaysna sida ka dawladnimada, oo is-ahaantiisa ama kala-ahaantiisa waxa sal u ah xigtaysiga, ama ugu yaraan xulufaysiga danaha qabaliga ah ku xidhiidha”.
Dunida casriga ah
Marki ay dhasheen dowladuhu wixii kowaad ay dalalka kale ka takhaluseen wuxuu ahaa xeerki reernimada iyo kaalinti odayaasha. Ma jirto maanta hal dal oo shaqada dowladda odayaashu qayb ka yihiin marki laga reebo keenna. Waddamada Carabta ee odayaasha qabaailladu si dadban talada ugu jiraan waa kuwo dowladnimadoodu ay aad u liidato cagana aysan ku taagnayn.
Kaalinta dadban ee ay dalalka Carabtu siiyeen odayaasha waa midda keentay marki dagaal ka dhaco mid ka mid ah dalaalkaas in xal loo waayo dagaalkuna dabo dheeraado. Bal eeg Ciraaq, Suuriya Yeman iyo Liibiya!
Qeexiddi iigu fiicnayd ee laga bixiyo xukunka dowladnimadu waa midka uu qoray Maxamed-Haykal oo ahaa “xukunka dawladnimadu waa isirka koowaad –ee isu haya mareegta xidhiidhisa is-ahaanta ummadnimo dhexroorkeedu yahay xeer cayima –sugnaanta jiritaan xadaysan oo qarannimo iyo wax-wada-lahaan seeskeedu yahay sharci qodobbaysan (distoor)”.
Sidaa awgeed ma wada jiri karaan dowlad qiimo leh iyo odayaal xeer ku shaqeeyo. Dowladdu waxay haysaa shaqadii ay qaban jireen odayaashu ka hor inti aan dowlad la helin. Garti ay qaadi lahaayeen waxaa qaado maxkamadaha. Xeerki ay ku dhaqmi jireen waxaa badalay distuurka. Barbaarti dad u figayn jirtay waxaa badalay boolis. Ugaaski waxaa badalay madaxweyne. Xaggee u bannaan?
Marki aad si dhow u fiirso waxaa kusoo baxayo in uu dhex yaal odayaasha iyo dowladda ismaandhaaf daneed (conflict of interest) sidaas owgeed odayaashu ma aqbali karaan in dowlad shaqayso la helo taas oo la wareegto shaqadoodi ka dibna aasto jiritaankoodi. Bal ka warrama haddiiba aan dad danahooda difaacanayo u daba fadhiisano inay dal noo dhisaan?
Soo noolaynta iyo xoojinta doorka odayaasha waa dhib soo kordhay iyo caqabad cusub oo xal u heliddeedu waqti dheer qaadan doono.
Ibrahim Aden Shire
Ishire86@gmail.com
Kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/

Related posts

Leave a Comment