Thursday, February 8, 2018
Dunidan24@gmail.com
Cayaaraha

Baloteli Oo Dib Looga Yeerayo Xulka Talyaaniga

Wararka ka imaanaya magaalad Rome ee caasimada dalka Talyaaniga, ayaa sheegaya in tababaraha ku meel gaarka ah ee xulka Azzurri Luigi Di Biagio  uu xulka dib ugu yeeri doono xidiga kooxda Nice ee Mario Baloteli.

Luigi Di Biagio  ayaa todobaadkan si ku meel gaar ah loogu magacaabay shaqada xulka Talyaaniga waxaana markiisa ugu horeysa uu xulkaasi hogaamin doono bisha March ee soo aadan waxaana Talyaaniga ciyaaro saaxiibtinimo uu la ciyaari doonaan xulalka Argentina iyo England.

Wargeyska Corriere dello Sport ee dalka Talyaaniga ayaa maanta bogiisa hore ku daabacay in tababaraha cusub ee Talyaaniga uu dib xulka uga yeeri doono weeraryahankii hore ee Manchester City, Mario Baloteli oo aan afar sano ka soo muuqan Talyaaniga.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in la filayo in xulka looga yeeri doono xidigaha kala ah Gigio Donnarumma, Daniele Rugani, Alessio Romagnoli, Roberto Gagliardini Federico Bernardeschi Davide Calabria, Manuel Locatelli and Patrick Cutrone oo dhamaantood Azzurri matali doona ciyaaraha saaxiibtinimo ee uu la balansanyahay xulalka England iyo Argentina oo isku diyaarinaya dhacdada xiisaha badan ee koobka aduunka ee 2018 oo 127 ay ka harsantahay.

Leave a Reply