Banaadir Oo ka Adkaatay Kooxda Elman Fc

Kooxda Kubada cagta Banaadir Sports ayaa Guul weyn ka gaartay kulankii Horyaalka Soomaaliya ee ay Galabta la dheeleen Naadiga Elman waxaana ay ku badiyeen 6-2.

Naadiga Banaadir Sports ayaa siweyn uga gacan saraysey kooxda Elman oo ay ka muuqatay daciifnimo saa id ah waxaana Goolasha looga dhaliyey xqiiqdii awood ay muujisey kooxda Banaadir.

Banaadir Sports ayaa hada waxa ay leeyihiin 7 dhibcood waxaana ay muujiyeen in ay ka soo kabsadaan Guuldaro iyo bareejo ay lakulantay bilaawgii Horyaalka waxaana hada ay u tartami doonaan Hogaanka Horyaalka oo bilaaw ah.

Koxda Banadir Sports Club ayey guusha galabta Elman ay ka gaareen waxay kaga dhigantahay guushii ugu weyneyd ee dhawaanahan ay gaaraan kulan ka tirsan horyaalka Soomaliya.

Leave a Reply