Barcelona Oo u Gudubtay Finalka Copa Del Rey

Nadiga Barca ayaa u soo gudubtay finalka Copa Del Rey  kadib marki ay gurigeeda ku soo  garacday kooxda Valencia.

Barcelona soo dhaaftay imtixaankii Valencia iyada oo balan ka samaysay Valencia oo xalay sii dhaaftay Leganes. Finalka Copa Del Rey ayaa noqon doona mid aad u xiiso badan iyada oo  Barcelona iyo Sevilla ay wada ciyaari doonaan.

Coutinho ayaa goolkiisii ugu horeeyay ee kooxda Barcelona u dhaliyay kulanki xalay, isaga oo mudooyinkan anan u dhalin wax gool ah ilaa uu ka soo tagay naadiga Liverpool.

Valencia oo markii horeba laga doonayay in ay ka soo kabsato guuldaradii Camp Nou laakiin ma aysan u suurta galintaas.

Waxana goolkii quusinta ka dhaliyay ciyaariyahan Ivan Rakitic oo dhaliyay goolka labaad ee kulankan taas oo ciyaarta hurdada u diray.

Kooxda Barcelona ayaa wadarta ama isku cel celinta labadi kulan aay la ciyaartay kooxda Valecia ku soo gudubtay goolal 3-0 .

Finaalka waxa ay la ciyaari doonta naadiga Barcelona kooxda Seville oo usoo gudubtay kal hore, balse suasha ay dadka inta badan isweydinaya ayaa ah halka lagu ciyaari doono finalka , ma garoonka kooxda Real mise meel kale lama oga weli..

 

Leave a Reply