Wasiirka Waxbarashada Dowlada Oo lagu soo Dhaweeyay Dalka Suudaan

Aug 1(Dunida24).Wasiir ayaa sheegay in Suudaan ay u imaadeen isagga iyo wafdigiisa Casumaad rasmi ah oo ay ka haleen Wasiirka Wasaaradda Tacliinta sare ee Dowladda Sudaan. Wafdigaan uu hor kacayo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Daahir Cusmaan oo ay ku wehlinayan lataliyaha Wasiirka Tacliinta Sare, Dr. Cali Sheekh Axmed Abubakar, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tacliinta sare Ismaaciil Yuusuf Cusmaan iyo Madaxa Guddiga horumarinta adeegga bulshadda ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Xildhibaanad Aamina Maxamed Cabdi ayaa waxaa Garoonka Caalamiga ee Khartuum kusoo dhaweeyay Wasiiru…

Dunida24.com

Waa Kuma Khabiirkii Dhowaan Joojiyey Weerarkii Kumbitarada Dalal Badan Lagu Soo Qaday

Aug 1(Dunida24).Waxaa la ogaaday in khabiirkii joojiyey Weerarkii kumbitarada ahaa ee dhowaan boqolaalka dawladood lala beegsaday inuu ahaa Marcus Hutchins oo ahaa arday hore looga caydhiyey waxbarashada markii lagu eedeeyey falal dhanka Hackers-ka ah ama budhcada internet-ka ah, waxana uu gaadhi kari waayey inuu helo shahaadada Dugsiga sare ee macluumaadka tiknoolajiyadda. Marcus Hutchins oo u dhshay Dalka Britain waxa uu khatar ku dhici lahayd ka hor joogsaday ugu yaraan 100 kun oo Computer oo daafaha caalamka kala yaallay, isagoo muddo 72 saacadood ah la dagaalamayey Virus-kii lagu soo qaaday weerarka, waxana uu xiligan…

Dunida24.com

Dowladda Soomaaliya Oo Sheegtay in Lagu Guuleystay Ladagaalanka Musuqa

July 31(Dunida24).Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Max’ed Guuleed Qadar “Sida aad la socotaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxaa uu hirgeliyay tiirarkii muhiimka u ahaa Dowladda kuwaasi oo horey uu u balanqaaday Madaxweynaha JFS, Waxaa lagu guuleystay in wax badan laga qabto ladagaalanka Musuqa, qofkii qalin wax ku dhacana sharciga ayaa la horkeenaya”,Ayuu Raiisul Wasaare ku xigeenka dalka. Mudane Mahdi Max’ed Guuleed ayaa  Sidoo kale ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay bixiyaan Canshuurta maadaama Dowladda Soomaaliya ay ka soo baxday dowrkeedii ahaa ladagaalanka Musuqa, taasi oo keeneysa in…

Dunida24.com

Maxamed Aadan Jimcaale Koofi Agaasimaha Hay’adda Socdaalka Soomaaliya oo gaaray Jowhar

July 31(Dunida24).Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha Soomaaliya ayaa Xafiis Cusub waxaa ay ka furatay Magaalada Jowhar ee Xaruunta Gobolka Sh/dhexe ahna Caasimada Maamulka Hir-shabeele. Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Jimcaale Koofi iyo Wafdi uu hugaaminaayo ayaashalay  gaaray magaalada Jowhar ee Xaruunta Shabeelaha dhexe  garoonka ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Masuuliyiin ka tirsan hir-shabeele.  

Dunida24.com

10ki Arday Ee Kaalmaha Hore ka Galay imtixanki Dugsiyada Sare Oo 5 Wadan Qof Waliba Halka Uu Doorto Loogu Qaadi Doono

July 30(Dunida24).Wasaarada Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya ayaa abaalmarin u balan qaaday 10,kii Arday ee Kaalmaha hore ka galay Imtixaankii Dugsiyada Sare ee Sanadkan oo ay dowladda Soomaaliya qaaday. War-Saxaafadeed ka soo baxay Wasaarada Waxbarashada Soomaaliya ayaa waxa lagu soo bandhigay Magacyada 10,ka Arday ee Kaalmaha hore galay iyo 5 Wadan oo qof waliba halka uu doorto la geyn doono. Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka

Dunida24.com

Qarax Goor Dhaweyd Ka Dhacay Magalada Muqdisho

July 29(Dunida24).Qarax Miino oo dhulka lagu  aasay ayaa Barqanimadii maanta waxa uu  ka dhacay Isgoyska Ex Control Balcad Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir. Inta la xaqiijiyay 3-qof ayaa wax ku noqday qaraxa kadib markii miinada ay haleeshay Gaari ay saarnaayeen dadka shacab ahaa. Warar kala duwan ayaa sidoo kale kasoo baxaya qaraxa Miino, wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa lala beegsaday askar ka Tirsan Ciidamada Dowladda Soomaliya gaar ahaan kuwa Dowladda hoose oo goobtaas xiligaas marayay. Goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka soomaliya,…

Dunida24.com

Shir Muhiim Ah Oo Maanta Magalada Marko Ka Qabsoomay

July 28(Dunida24).Waxaa maanta magaalada marko ee Gobolka  shabeellaha hoose lagu qabtay kulan balaaran oo looga hadlayay  sida xal looga gaari karo dagaal beeleedyada ku soo laalaabtay Magaalada Marko. Kulankaan waxaa goob-joog ka ahaa Odayaal dhaqameedyo, saraakiil ka tirsan Amisom iyo Xubno ka socday Maamulka  Gobolka Shabeellaha Hoose. Maxamed  Cusmaan  yariisoow waa Gudoomiyihii hore ee Magaalada Marko ee Xarunta Gobalka Shabeellaha  Hoose hadana ah sarkaal katirsan ciidamada dowladda somaaliya ayaa sheegey in shan boqol ilaa kun qof oo isugu jira odoyaal dhaqameyd iyo culuma udiin ay isugu yimaaden shirkan yariisoow  ayaa…

Dunida24.com

Qarax Goor Dhaw ka dhacay Buullo-Mareer

July 28(Dunida24).Goor dhow jug culus oo Qarax ah ayaa laga maqlay Bartamaha magalada Buula-Mareer ee gobolka Shabellaha Hoose koonfurta dalka Soomaaliya. Ilaa iyo hadda lama xaqiijin Qaraxan iyo halka lala beegsaday, laakin dadka degmadda ayaa maqlay jug culus oo dhanka Galbeed ee degmadda ka dhacday. Buullo-Mareer waxaa ay Koonfur Galbeed ka jirtaa magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ayadoo masaafo dhan 125 km u jirta caasimadda. Fillo wixii ka soo kordha

Dunida24.com

Khayre Oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Ergeyga Gaarka ah Ee IGAD u Qaabilsan Soomaaliya

July 28(Dunida24).Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee IGAD u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Dr. Maxamed Cali Guyo oo dhawaan loo magacaabay xilkan, kaas oo badalay danjirihii hore Mudane Maxamed Cabdi Afey. Sidoo kale Kulanka waxaa goob-joog ka ahaa Xoghayaha guud ee Urur Gobolleedka IGAD mudane Maxbuub Macalin iyo madax kale oo ka socotay IGAD. Danjiraha Cusub ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay in maanta uu ku soo booqdo xafiiskiisa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, isla markaana cadeeyey sida…

Dunida24.com

Ra’iisal Wasaare Khayre: Tani waxay muujinaysaa in aan dalkeena dib u dhisan karno

July 27(Dunida24).Maalinta Ololaha Nadaafadda ee khamiista ugu dambeysa bil walba oo uu horey Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre u go’aamiyey, ayaa maanta si weyn looga xusay Caasimadda dalka, waxaana isu soo baxyo lagu nadiifinaayo magaalada laysugu soo baxay xaafadaha iyo goobaha qashinka lagu aruuriyo ee kala duwan. Ololaha nadaafadda waxaa hormuud ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha dalka Mudane Xasan Cali Khayre, ku-xigeenkiisa Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Taabid Cabdi Maxamed, Xildhibaano iyo dadweyne tiro badan, waxana ay hawshan nadiifinta ka bilaabeen degmada Wadajir,…

Dunida24.com