Ciidamo Ka kala tirsan Puntland iyo Somaliland Oo ku Dagaalamaya deegaanka God Qaboobe.

Waararka ka imaanaya deegaanka God Qaboobe ayaa tilmaamaya in hada uu kasocdo dagaal u dhaxeeya Ciidamada Soomaaliland iyo Puntland, deegaankaas ayaa ku dhaw deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool oo Saakay ciidamada Somaliland ay la wareegeen.
Sidda ay inoo xaqiijiyeen dadka degaanka dagaalka ayaa ah mid xooggan, waxaana labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka culus iyo midka fudud.
Dagaalkaan ayaa daba socda dagaal  Saakay aroortii ka dhacay degaanka Tukaraq ee gobolka Sool.
Dhanka kale dadka ku nool Magaalada Laascaanood ayaa soo sheegaya in ay jiraan Khasaare Dhimasho iyo dhaawac ah oo dagaalkaasi ka dhashay.
Puntland ayaa ciidamo badan u dirtay degaankaasi Markii Somaliland ay dagaal ku qabsatay.

Related posts

Leave a Comment