Diyaarado Duqeeyay Gaari La Sheegay in ay ku Rarnaayeen Qaraxyo Muqdisho ku Soo Wajahnaa

Wararka naga soo garayo duleedka degmada Afgooye ee gobalka Shabeelaha Hoose ayaa soo sheegaya in Diyaarado dagaal ay duqeeyeen Gaari la sheegay in ay ka buuxeen waxyaabaha Qarxa oo Muqdisho ku soo wajahnaa.
Goob joogayaal ayaa xaqiijiyay in ay maqlayn dhawaaqa Madaafiic kadibne ay xigtay Dhawaaqa qaraxyo kale.
Diyaaradaha ayaa duqeeyay Gaari Caasi ah oo marayay deegaan qiyaastii 30 KM u jira afgooye socday, waxaana saraamiisha amaanka sheegayaan in uu Muqdisho ku soo wajahnaa.
Dhinaca kale xubno ka tirsan maamulka ayaa sheegay in ay jiraan warar kale oo sheegaya in Gaariga aan la duqeyn balse uu iska qarxay kaligiis.
Hore ayaa sidaan oo kale dhowr jeer lagu duqeeyay Gawaari kala duwan oo Muqdisho qaraxyo u soo waday sida ay shaaciyeen sirdoonka Maraykanka.

Related posts

Leave a Comment