Dowladda Suuriya Oo ka jawaabtay Weerar kaga yimid Israa’iil

 Ciidamada Dowladda Suuriya ayaa sheegay in ay ka hortageen dhowr gantaal oo Israa’iil ay ku riday  Xarumo millateri oo ku yaalla deegaanka Qadiif ee hoostaga magaalada Dimishiq sida ay qortay Wakaaladda SANA oo soo xiganaya Hoggaanka Ciidamada Suuriya.
Bayaan ay soo saartay Dowladda Bishaar Al Asad ayaa waxa ay ku sheegtay in Israa’iil oo isticmaaleysa Hawada Lubaan ay duqeysay gudaha Israa’iil, iyada oo ka digtay halista arrintaasi ka dhalan karta.
Israa’iil ayaan wali ka hadlin eedeynta loo jeediyay hase ahaatee sanadkii hore,  Taliye sare oo u hadlay waxa uu sheegay duqeyn gaareysa 100 mar ay ka fuliyeen gudaha Suuriya.
Maamulka Israaiil  ayaa rumeysan in Iiraan ay saldhig ka sameysan karto Suuriya sidoo kalane ay Hub siin karto Xisbullaah, waxaana si taasi ay oga hortagto ay wacad ku martay in ay is hortaageyso qorshe kasta oo ay meesha kusoo gali karto Iiraan.
Dalka Siiriya waxaa ka soconaya dagaal sokeeye oo dhinac badan, iyada oo Quwadaha waa weyn oo ay kala hogaaminayaan Mareykanka iyo Ruushka ay kala taageeraayaan Dowladda iyo Mucaaradka.

Related posts

Leave a Comment