Gabdhahi iskulka Chibok oo ay afduubteen Boko Haram ayeey ka sii daayeen 62

Ilo wareedyo laga helayo Dowladda Nigeriya ayaa u sheegay Al Jazeera in 62 arday oo ay afduubeen dagaalyahanada Boko Haram bishi April 2014 ayaa la sii daayay.

Ugu yaraan 62 ka mid ah ku dhowaad 200 arday dhiganeysay iskuul kuwaas oo wali la la’yahay ka dib markii ay afduubteen Boko Haram waqooyi bari dalka Nigeria sanadki 2014 ayaa la sii daayay, si rasmi ah ayaa dowladda ugu sheegtay Al Jazeera.

Gabdhaha ayaa la sii daayay Sabtidii waxa ayna hada ku sugan yihin magalada Banki oo ku dhow xuduudda Nigerian ay la leedahay Cameroon.

Waxaan u sheegay in 62 ka mid ah ardaydii Chibok ayaa sii dayay Boko Haram manta.

Sida laga soo xigtay ilo wareedyo lagu kalsoon yahay waxaase laga yaabaa in ay sabab u tahay wada xaajood ay wada yeeshen dowlada iyo boko haran ,laakiin waxaa sidoo kale laga yabaa in hawlgalo milatari ee dhawaan agagaarka iyo sidoo kale qaybaha kale ee waqooyi bari dalka Nigeria laga sameyay sababi karto arintan

Wararka Horaantiisa ayaa shegayay in 82 arday aya ay sii dayeen boko haram.

Kooxda hubeysan ee Boko haram ayaa qabsatay 276 oo arday ka ah Dugsiga Sare ee Dowladda Gabdhaha magaalada Chibok habeenkii ay bishu Abriil aheyd 14, 2014, iyadoo 57 ka mid ah ay si dag dag ah ugu baxsadeen afduubka.

Qaar ka mid ah ardayda dugsiyada ayaa tan iyo markii la sii daayay, halka qaar kalena ay u suurtagashay in ay ka baxsadaan.

21 arday ayaa la sii daayay October 2016 kadib marki ay gor gortan lala galay kooxda boko haram.

Afduubkan ayaa soo jiitay caalamka in ay kooxda hubaysan haysatay gabdha, halka dowlada Nigeria ay ku fashilmeen in ay tallaabo degdeg ka qadan kooxd haysato gabdhaha .

……… QORAA MAANOW RAAGE..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *