Isku Aadka Wareegga 4-aad Ee koobka FA-ga

Xalay waxaa la dheelay kulankii ugu dambeeyay ee wareegga saddexaad ee koobka FA-ga, kaasi oo dhexmaray kooxaha Brighton iyo Crystal Palace, guushana waxa ay 2-1 ku raacday Brighton.
Goolka guusha oo ay Brighton la timid daqiiqadahii ugu dambeeyay ciyaarta ayaa waxaa u dhaliyay Glenn Murray.
Goolkaasi oo u muuqday mid shaki leh ayaa waxaa caadi ku tilmaamay oo aan dood gelin tababaraha Crystal Palace, Roy Hodgson.
Isla xalay waxaa la sameeyay isku aadka wareegga afaraad ee koobka FA-ga.
Kulamada ugu adagna waxaa ka mid ah:
Liverpool iyo West Brom
Yeovil iyo Manchester United
Cardiff ama Mansfield ayaa martigelin doona kooxda Manchester City
Caawana waxaa la dheeli doonaa ciyaar loogu soo baxayo fiinaalka koobka EFL, ama Carabao Cup.
Ciyaarta caawa ayaa dhexmari doonta Manchester City iyo Bristol City.
Tababaraha Man City, Pep Guardiola ayaa tilmaamay in caawa uu safi dooni koox adag, oo aanu dhayalsan doonin Bristol City oo tartankan ka reebtay Manchester United.

Related posts

Leave a Comment