ISLAAMKA IYO DASTUURKA

Dastuur marka la qeexo waa heshiis u dhaxeeya bulsho meel ku wada nool kaas oo ay ku cadahay qodobada ay ku heshiiyeen umadda ku nool goobtaas uu heshiiskooda ka dhacay,marka heshiiska noocaas ah la galayo qasab maaha in umadda halkaas ku nool oo dhan ay goob joog wada ahaadaan,ee waxa ay qolo kasta oo qaab degmo ama qabiil isugu xiran goobta u soo dirsanaysaa ergo ku matasha qaabaynta dasruurka ama heshiiska.

Kolka laysla meel dhigo heshiiskaas ayaa si loo ansaxiyo haddii la doono afti umadeed loo qaadaa kadib kolkii la siiyo shacabka waqti ama muddo uu qof kasta ku soo akhriyo amaba uu kaga soo baaraan dago waxa uu yahay heshiiska la gaaray iyo inuu yahay mid fiican oo cadaalad ku qotoma oo wax ugu yaal isaga ama umadda iyo in kale.

Halkaas baa haddii codku u bato aqbalaadda waxa lagu heshiiyayna la meel mariyaa,haddii uu codku u bato in ay umaddu ka soo horjeesato heshiiskana la laalaa oo dib loogu noqdaa.

Hadaba diinta islaamku maxay ka qabtaa dastuur ama heshiis ay bulsho meel ku wada nool ka gaaraan hab dhaqanka nolol maalmeedkooda?!!

Way dhici kartaa in jawaabta su’ashaas uu ninba meel u qaado laakiin hadaan isku dayo inaan si kooban u cabiro codka jamhuurta culimada iyo fuqahada iyo muxaqiqiinta muslimiinta kuwo hore iyo kuwo dambaba waxay isku raacsan yihiin in waxa ay ku heshiiyaan muslimiintu ay sax tahay ansaxna ka tahay xagga Alle haddii waxaas lagu heshiiyay uu yahay wax aan diinta iyo waxyiga Alle ka hor imaanaynin.

Matalan haddii waxa lagu heshiiyay uu yahay wax cadaalad ku wada salaysan dulmigana ka dheer inta la doono,hadde heshiiskaas maba noqon karo mid diinta khilaafsan,waayo diinta iyadaa amartay in cadaaladda lagu toosnaado dulmigana laga dheeraado.

Nusuusta ku soo aroortay in muslimiintu dastuur ama heshiis samaysan karaan hadaan wax ka ishaaro waxaa ka mid ah.

-وَإِنْ خِفْتُمْ شِقَاقَ بَيْنِهِمَا فَابْعَثُوا حَكَمًا مِّنْ أَهْلِهِ وَحَكَمًا مِّنْ أَهْلِهَا إِن يُرِيدَا إِصْلَاحًا يُوَفِّقِ اللَّهُ بَيْنَهُمَا ۗ إِنَّ اللَّهَ كَانَ عَلِيمًا خَبِيرًا (35)

“Hadaad ka cabsataan in ay isku xad gudbaan oo dhibaatada u dhaxaysa ninka iyo naagta is qaba ay cirka isku shareerto bal u saara ergo ninka ehelkiisa iyo ergo haweenta ehelkeda ah oo haday markaasi heshiis doonayaan ilaahay waa waafajinayaa dhexdooda waayo alle waa mid cilmi badan oo khabiir ah”

“وَإِنِ امْرَأَةٌ خَافَتْ مِن بَعْلِهَا نُشُوزًا أَوْ إِعْرَاضًا فَلَا جُنَاحَ عَلَيْهِمَا أَن يُصْلِحَا بَيْنَهُمَا صُلْحًا ۚ وَالصُّلْحُ خَيْرٌ ۗ”

“Haddii haweeney ay ninkeeda kala cabsato kacdoon iyo kala jeensi iyo khilaaf iyo santaagid wax dambi ah dushooda ma ahaanin inay dhexdooda heshiis ka sameystaan waayo heshisku waa khayr”.

Marka nin iyo haweentiisa is hayay la yiri ergo heshiis dhex dhigta u saara miyaan la oran karin waxaa ka mudan in umad dhan loo saaro ergo heshiis dhex dhigta oo u kala qorta waxa ay ku heshiinayaan iyada oo uu marjaca loo laabanayo mar kasta yahay kitaabka quraanka ah iyo sunada nabiga ee saxiixa ah.

Sidoo kale wuxuu Alle yiri:

“وَالَّذِينَ اسْتَجَابُوا لِرَبِّهِمْ وَأَقَامُوا الصَّلَاةَ وَأَمْرُهُمْ شُورَىٰ بَيْنَهُمْ وَمِمَّا رَزَقْنَاهُمْ يُنفِقُونَ”

“Muminiintu waa kuwa rabigood ajiiba ee salaadda oogaya taladoodana ay tahay mid ay ka tashadeen,wixii aan ku irsaaqnayna wax ka bixinaya”

Talada ay ka tashanayaan waa midda nolol maalmeedkooda khusaysa ee ay heshiiska ku yihiin si aan isku dhac iyo amni darro daakhili ah u haleelin umadda.

Rasuulku scw wuxuu yiri:-

“وعن ابن عبس رضي الله عنه قال-قال رسول الله – صلى الله عليه وسلم – المسلمون على شروطهم ” رواه البخاري.

“Xadiis uu cabdullahi binu cabaas rc uu ka warinayo rasuulka scw ayaa waxaa uu ahaa in rasuulka scw yiri:-muslimiintu waxay leeyihiin shuruudaha ay ku heshiiyaan”.

Waxa kale oo rasuulku scw yiri:-

“و عن ابي هريرة رضي الله عنه قال قال رسول الله صلي الله عليه وسلم : ” والصلح جائز بين المسلمين “أحمد وأبو داود والحاكم.

“Xadiis kale oo uu abuu hureyra rc rasuulka ka warinayo ayaa isna ahaa in rasuulka scw yiri:-heshiisku waa mid u banaan muslimiinta dhexdooda”yacni inay muslimiintu yeelan karaan wax ay heshiis ku yihiin waa ubanaan tahay”.

Kaliya waxaa muhiim ah heshiiska ama dastuurka muslimiintu dhiganayaan inuu yahay mid waafaqsan oon sinaba oga hor imaanaynin diinta islaamka.

Heshiis kasta oo ay dadka muslimiinta ah dhigtaan oo diinta waafaqsan waa waajib in la ilaaliyo oo la dhowro waayo Alle swt wuxuu yiri:

“يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آَمَنُوا أَوْفُوا بِالْعُقُودِ ٠٠”

“Kuwa iimaanka laga helayoow oofiya oo ilaaliya heshiisyada iyo ballamada aad dhexdiina gunadaan ood galaysaan”.

Rasuulku scw markii uu magaalada madiina tagay ee uu u tagay dad kala duwan oo halkaas ku wada nool wuxuu u sameeyay dasruur ama heshis loo yaqaan “saxiifaddii madiina” ama warqaddii ay reer madiina heshiiska ku ahaayeen.

Waxyaalihii warqadaas ku qornaana waxaa ugu muhiimsanaa in reer madiina oo dhan ay isku mid yihiin kuna wada noolaadaan nabad iyo ammaan,ciddii banaanka kaga soo duushana ay iska wada difaacaan,inta qolo ee madiina ku nool ee muslimiin iyo yahuudba leh qolo kasta waxay xaq u leedahay diinteeda iyo waxa ay aaminsan tahay,reer madiina waxay iska kaashanayaan wixii wanaag ah,waxay isugu kaalmeynayaan wixii samaan ah,waxayna ka wada hortagayaan wixii xumaan ah…..

Warqadaasi oo qodobada ku yaalla ay aad u tiro badnaayeen ciddii doonaysa waxay kaa raajicin karaan kutubta lagu qoray siirada nabiga scw khaasatan waqtigii uu madiina u haajiray,
Heshiiskaasna baaqi ayuu ahaa ilaa ay qabiilooyinkii yahuudda ay mid kasta iyada si iskeed ah oga baxaysay oo ay u burinaysay.

Ugu dambayn waxaa muhiim ah in dastuurka ay ummad islaam ahi samaysanayso inuu noqdo mid ku salaysan diinta islaamka ee qiimaha badan,waayo islaamku ma faro waxaan wanaag iyo cadaalad ahayn kamana digo wax aan xumaan iyo dulmi ahayn.

….. ANIGA MA LIHI QORAALKAN….

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*