Ismail Haniya oo loo doortay madaxa cusub ee siyaasadeed ururka Hamas.

Ismail Haniya ayaa loo doortay hogaamiyaha cusub ee xafiiska siyaasadda Hamas sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee u dhaqdhaqaaqa Falastiiniyiinta.

Ogeysiiskan ayaa yimid maalmo ka dib markii Hamas soo bandhigay fikir dhexdhexaad ah oo ku adan dhinaca Israa’iil.

Khalid Meshel oo ah xubin ka tirsan Hamas ayaa yiri ‘Waxaan jeclahay in aan ku dhawaaqo in golaha cusub ay doorten Abu al-Cabeed oo ah walaalkay Ismail Haniya, madaxweynaha xafiiska siyaasadeed ee dhaqdhaqaaqa,” Meshaal, oo ahaa mas’uul ka mid ah garabka siyaasadeed mudo10 sano ee la soo dhaafay, ayaa ku sheegay war qoraal ah.

Hoggaanka cusub ayaa ku dhawaaqi doona magacyo kasta oo wakhtiga ku habboon. Dhaqdhaqaaqa doorashada oo u yimid in wadatashi hab dimuqraadi ah in uu yahay arkaayey iyadoo liisaska iyo in muujinaysaa midnimada dhaqdhaqaaqa.

Haniya oo ah 54 ayaa la filayaa inuu ku sii jiro Marinka Gaza oo ay maamusho Hamas tan iyo 2007 ,balse Meshaal ayaa ku nool dibedda caasimada Qarar ee Doha, waxaana uu dhameystay labo waqti xafiiska.

Haniya ayaa ahaa guddoomiye kuxigeenka kooxda marna waxa uu ahaa sidii ra’iisal wasaare inti u dhaxeysay 2007 iyo 2014.

Malinimadi isninta aheyd ayaa Hamas soo bandhigtay dokumenti siyaasad oo cusub kasoo fududaysay mowqifkooda ku adana Israa’iil ka dib markii muddo dheer ku baaqaysay in ay la dagalanto.

Qoraalka waxa u gaar ahaan aqbalayay fikradda ah dowlad ay Falastiin yeelato in dhulal degan oo ay Israa’iil qabstay dagaalki 1967.

Waxa kale oo ay sheegtay in ay halgankoodu ahayn Yuhuud naceyb oo ay ku nacayaan diintoda, laakiin ay ka soo horjedan oo kaliya qabsashada dhulalkooda dowlada Israa’iil .

Si kastaba ha ahaatee, saraakiisha Xamaas ayaa sheegay in dokumentiga gudaheedana sinaba ay kaga dhigan tahay in aqoonsiga Israa’iil sidii ay dalbaday beesha caalamka.

…….QORAA MAANOW RAAGE…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *