Jadwalka isku shiilan ee Horyaalka Ingiriiska “masiibo” ayuu ku yahay ciyaartoyda, ayuu yiri tababaraha Manchester City Pep Guardiola.

City oo 12 dhibcood ku hogaaminaysa Horyaalka hal ciyaarna ay u dhiman tahay ayaa Talaadada la dheeli doonta Watford taas oo noqon doonta ciyaartii afraad ee ay dheelaan muddo 11 maalmood ah xilli fasaxeedkan.
Guardiola waxaa ka dhaawacmay Gabriel Jesus iyo Kevin de Bruyne oo ah labo ciyaartoy oo muhiim u ah, waxay dhaawacyadaasi soo gareen intii ay socotay ciyaartii ay Axaddii la yeelatay Crystal Palace.
Tababarahan reer Spain ayaa sheegay “Haddii aad i waydiiso farsamo ahaan iyo jir ahaan ma u wanaagsan tahay ciyaartoyda: maya ee waa masiibo.”
City ayaa Isniintii xaqiijisay in dhaawaca soo gaaray Jesus uu u baahan yahay baaritaan dheeri ah, lana soo sheegi doono inta uu ciyaaraha ka maqnaan doono.

Related posts

Leave a Comment