Kheyre:-Cidii aan Dowlada Taageersaneen Waxaan Ka Dalbanayaa In ay Joojiso Dhibaatada”

Raisul Wasaaraha  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in shacabka Soomaliyeed ay horyaalaan su’aalo, hadii aan jawaab loo helina aan la gaari Karin guulo.

Xasan Cali Khayre oo xalay hadal ka jeediyay kulan casho sharaf ahaa oo loo qabtay Madaxda Maamul Goboleedyadda, ayaa sheegay in hadii suurta gal ay noqoto In laga jawaabo su’aalahaas ay madaxda dowlada Dhexe ay ku dadaali doonaan in dalkaan la gaarsiiyo sanadka 2020-ka doorasho qof iyo cod ah.

Raisul Wasaaraha ayaa shacabka Soomaaliyeed ka dalabay in Dowladda ay kala shaqeeyaan sidii lo dhameystiri lahaa Dastuurka, nooca Doorasho ee dalka uu yeelanayo, Arrimaha Cadaaladda, Horumarka dalka iyo wax walba oo ku saabsan dib u dhiskadalka.

Sidoo kale Raisul Wasaaraha  Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay shacabka uga baahan tahay taageero buuxda, cidii aanan Dowladda garab istaageyninna keliya ay joojiso dhibaatada.

Leave a Reply