Kooxda Arsenal Ayaa Markii Ugu Horreysay Muddo 22 Sano ah Waxa Lagu Reebay Wareegga Saddexaad Ee koobka FA-ga

Arrinta layaabka leh-na waxay tahay in kooxda reebtay ee Nottingham Forest ee ka dheesha horyaaalka heerka labaad aanay xilligan tababare haysan.
Arsenal oo kala daadsaneyd ayaa waxaa looga badiyay 4-2, goolka afaraadna waxa uu ahaa gool ku-laad uu dhaliyay Kieran Dowell.
Arsenal ayaa difaacanaysay koobkan hadda loo tartamayo ee FA oo ah koob taariiq ahaan aad u da’ weyn.
Kulamadii kale ee xalay dhacayna waxaa ka mid ahaa
Newport County waxa ay 2 – 1 uga badisay Leeds United.
Shrewsbury Town iyo West Ham United waxa ay ku kala baxeen barbaro 0 – 0 ah.
Halka kooxda wqooyiga London ka dhisan ee Tottenham Hotspur ay 3 – 0 ku dirtay kooxda AFC Wimbledon.
Caawana waxaa ciyaar ka tirsan tartankan FA-ga ay dhexmari doontaa kooxaha kala ah Brighton iyo Crystal Palace.

Related posts

Leave a Comment