Laba Qaraxyo oo ay ku dhinteen labo ruux aya ka dhacay Filibiin manta.

Booliska dalka Filibin ayaa sheegay in loo aanayn karo labada qarax ee ka dhacay magalada Manila koox Gangiistaro ah,sidoo kale waxa ku dhawacmay qaraxyada lix qof.

Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhimatay lix kalena way ku dhaawacmeen laba qarax oo caasimadda Philippine ee Manila ka dhacay manta, sida uu sheegay afhayeenka u hadlay booliska.

Qaraxa ayaa marka hore dhacay 6:00 pm (10:00 GMT) ee manta wuxuna ka dhacay meel u dhow masjid ku yaala xafada Quiapo oo ka mid ah meelaha ugu da’da weyn Manila,ayaa ku dhintay laba qof ayna ku dhaawacmeen afar kale, sida uu sheegay taliyaha booliiska magaalada Oscar Albayalde.

laba saacadood iyo badh ka dib, ayaa qaraxa labaad ka dhacay isla aagga, kana dhacay wado cidhiidhiga badan oo lagu ibiyo dharka , waxana ku dhaawacmeen laba askari oo bilays ah boo ku sugnaa goobta goobta, sida uu sheegay sawir qaade ka tirsan wakaalada wararka ee AFP oo ku sugnaa goobta qaraxa ka dhacay.

Taliyaha bilayska ayaa sheegay in qaraxyada lagu edeynayo burcad.

Wuxu hadalkiisa ku daray taliyaha poliska in ayna u maleynenin in qarxyada ahaayeen kuwo argagixusi balse aay ahayeen kuwo ay qadeen Gaangiistaro.

Albayalde ayaa sheegay in qaraxa koowaad uu sameyay in watay moto.
Wuxu hadalka ku daray in ninka watay motada uu goobta ku dhintay waxa kale oo la dhintay nin uu u geynayay alaab ku jirto bakad wuxu ushegay hadalka idaacadda DZRH.

Qaraxyo ayaa ka dhacay meel u dhow xarun ay bulshada Islaamka ku ciwadesato iyo qiyaastii boqol mitir u jirta Masjidka Quiapo Golden, waxana waxyeelo ka soo gartay qayb ka mid ah xarunta Islamiga iyado burbureen daaqadaha dhismayaasha u dhow.

“Waxa uu ahaa mid aad u xoog badan,” Omar Yahya oo 22 ayaa sida yiri, kaas oo ku suganaa marki uu qaraxa ugu horayay dhacayay xarunta Islamiga , ayaa u sheegay AFP ah, wuxu hadalka ku daray ” daqadaha way jajabeen waxa kale waxa soo garay qayb ka mid ah alwaax dhismaha kadibna wuu so dumay”.

Manila ayaa sidoo kale waxa ka dhacay qarax toddobaadkii la soo dhaafay. Ugu yaraan 14 qof ayaa ku dhaawacantay bishi April 28 markii qarax biibiile guriga-dhigay waxaa logu qarxiyay degmada Quiapo.

Weerarkaas ayaa ka dhacay meel u dhaw xaruun ay ku shirayeen madaxda dalalka Asiya.

Dawladda Islaamiga ah ee Ciraaq iyo Levant (ISIL) ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa dhacay bishi April 28, laakiin bilaysku waxa ay ku eedeysay qoloyinka gaangistara. Hal qof ayaa loo xiray weerarkasi.

…… QORAA MAANOW RAAGE…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *