Maamulka Soomaaliland Oo Xiray Qoraa Buug Ka Qoray Guushii Madaxweyne Farmaajo

Ciidamada Maamulka Soomaaliland ayaa lagu soo waramayaa in ay Xabsiga dhigeen Qoraa Buug ka qoray Guushii uu gaaray mudada Sanadka aheyd ee ka soo wareegtay doorashadii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qoraagaan oo lagu Magacaabo Maxamed Keyse Bigeeye ayaa Buuga u qoray waxa uu ugu Magac daray ( Tusaalaha Guusha)

Warar ayaa waxa ay sheegayaan in weli uusan soo bandhigin Buugaas balse qeyb ka mid ah Jaldigiisa in uu si Ogeysiis ahaan ah u soo dhigay Bartiisa Facebook sidaasna lagu xiray.

Maalintii Saddexaad ayaa la xaqiijiyay in uu xiran yahay Qoraa Magacaabo Maxamed Keyse Bigeeye,waxana xarigiisa aad uga xumaaday Ururada u dhaq dhaqaaqa Xaquuqda Aadanaha.

Leave a Reply