Madaxweynaha Galmudug “Mudo Bil Ah Ayay Igu Qaadatay In Farmaajo Aan Ku Qanciyo In Uu Yimaado Gaalkacyo”

Axmed Ducaale Geele Xaaf Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa faah faahin ka bixiyay safarka madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo oo ku tagayo Deegaanada Maamulka Gaalmudug waxa uuna sheegay in MD Xaaf In ka dhaadhicinta Madaxweynaha JFS Safar uu ku tago deegaanada maamulkiisa y ku qaadatay muddo bil ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa todobaadkan safar oo uu ugu magic daray Socdaalka Nabadda waxa uu ku marayaa deegaana badan oo ka tirsan maamulada Puntland iyo Galmudug,
Waa Madxweynihii ugu horeeyaay ee safar dhanka  dhulka ah isugu mara gobolla fara badan waxa uuna safarkiisa kasoo billowday Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland iyada oo maalinta ugu soo horeysa todobaadka soo socda uu gaari doono magaalada gaalkacyo halkaas oo uu kaga sii tallaabi doono dagmooyinka iyo deegaanada kale ee qorshuhu yahay in Madaxweynuhu gaaro sida Cadaado, Dhuusamareeb, Gura-Ceel.
Hogaamiyaha Galmudug ayaa dadka deegaandaasi ka codsaday in ay si hufan usoo dhaweeyaan Madaxweynahoodii Qaranka ,

Related posts

Leave a Comment