Mareykanka Oo Falastiin u Soo Jeediyay inay Caasimadooda ka Dhigtaan Meel aan Qudus aheyn

Dowladda Mareykanka ayaa dhaqdhaqaaqa Falastiin u soo jeediyay codsi ah in Qudus bedelkeeda ay caasimadooda ka dhigtaan magaalada Abu Dis oo dhacda duleedka magaalada Qudus.
Madaxa xafiiska Siyaasadda ee xarakada Falastiin Ismaaciil Hanii’a ayaa sheegay inay suurtagal aheyn codsiga Mareykanka oo ah in Qudus badelkeeda ay casimdda falastiin noqoto magaalad Abu Dis.
Wuxuu kaloo intaa raaciyay in sidoo kale soo jeedintaasi Mareykanka u soo Bandhigay Madaxda Falastiiniyiinta ay ka mid tahay in saddex meel loo kala qeybiyo Daanta galbeed ee dhulka Falastiin, in mamulka Gaza la hoos geeyo Israel iyo in Buundo laga sameeyo inta u dhaxeeysa magaalooyinka Qudus iyo Abu-Dis si ayan muslmiinta Salaadda ugu dukan masjidka Barakeysan ee Qudus.
Madaxa xafiiska siyaaasadda Falastiin ayaa sheegay in talaabada uu wado Madaxweynaha Mareykanka ay u horseedayso dagaal hor leh ee ka dhex qarxa Falastin iyo Israel, wuxuuna cadeeyay in haatanba la diyaariyay Ciidan Falastiniyiin ah oo ku sugan Gaza kuwaa oo heegan u ah inay naftooda u huraan xaqa falastiin.

Related posts

Leave a Comment