Martial Oo Ku Guuleystay Abaal Marinta Xidiga Bisha Ee Manchester United

Xiddiga kooxda kubadda cagta Manchester United ee Anthony Martial ayaa ku guuleystay abaal-marinta laacibka ugu fiicnaa bishii Janaayo kooxda Man UTD, taasoo ay codeeyaan taageerayaasha kooxda.

Taageerayaasha kooxda ayaa codeyn ay ka qeyb qaateen oo lagu qaaday barta Twitter-ka Man United ayaa waxaa codadka ugu badan helay sidaasna ku guuleystay Anthony Martial.

Laacibka xulka qaranka Faransiiska ayaa sameeyey bishii la soo dhaafay waxyaabo aan la iloobi karin, isagoo goolal dhaliyey, isla markaana caawiyey kuwo kale, isagoo waliba abuuray fursado dhawr ah.

Martial ayaa helay codad dhan 5o boqolkiiba , waxaana kaalinta labaad soo galay Jesse Lingard oo helay codad dhan 35 boqolkiiba , and Luke Shaw ayaa ku dhammaystay kaalinta saddexaad kaasoo helay 15 boqolkiiba.

Haddaba haddii aan eegno waxqabadkii Martial ee kooxda Man United uu ka sameeyey Premier League bishii Janaayo, waxa uu ciyaaray 4 kulan, waxa uu abuuray 6 fursadood, waxaana uu dhaliyey 3 gool, isagoo caawiye ka ahaa 1 gool.

Leave a Reply