Mas`uul Ka Tirsan Maamulka Degmada Heliwaa Oo Ka Bad baaday Qarax Gaarigiisa loogu Xeray

Wararka naga soo gaaraya nawaaxiga Shaneemo Cabdi Waayeel ee Degmada Heliwaa ee Gobolkaan Banadir ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay qarax gaarigiisa loogu xeray  oo lala eegtay Sarkaal ka tirsan Maamulka Degmada Heliwaa
Abshir Kaaraan gudoomiye kuxigeenka dhanka amniga maamulka degmada heliwaa ayaa ka bad baaday qarax gaarigiisa loogu xeray
Saraakiisha ammaanka Degmada Heliwaa, ayaa waxa ay sheegeen in qaraxaasi uusan waxba khasaare gaysan.
Ciidamada dowladda oo goobta tagay ayaa waxa ay sameeyeen baaritaan waxa ayna soo qabteen tiro dhalinyaro oo ay ku tuhmayaan inay miinada qarxiyeen.

Related posts

Leave a Comment