Maxaad ka Ogtahay Isku Daygii Boortaqiisku ku Doonayay inuu Itoobiya ku Siiyo Xeebaha Soomaaliya

Waxaa dhawaanahaan dhagaheenna ku badnaa in ay Itoobiya doonayso inay qaadato qaybo ka mid ah dalkeenna si ay u hesho dekat ay iyadu leedahay. Walwalkaan aan qabno waxaa keenay saamaynti xooganayd ee Itoobiya ku yeelatay dalkeennaa wixii ka danbeeyay burburki.
Hasa-ahaatee, damaca Itooobiya waa mid boqolaal sano soo jiray haddiiba uusan kun gaarayn. Itoobiya waligeed waxay ku tiillay halkeeda bad la’aanta ah, baahi badeedna waa qabtay. Sidoo kale, waxay ahayd masiixi maamul leh kuna xiran quwadihii reer Yurub ee diintu kala dhaxaysay. Sidaa darteed sida ay maantaba ula rabaan inay dhulkeenna wax ka siiyaan ayay kuwii waagaas jirayna wax ula rabeen walaalahood Itoobiya.
Laakiin soomaalida oo ah dad aan liicin sidaan qoramaadan https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/2018/01/soomaalidu-waa-birlab-aan-jabin.html kaga warramay, ayaa la mari waayay si adagna dhulkooda u difaacday.
Jerónimo Lobo oo noolaa intii u dhaxaysay 1595-1678, wuxuu ahaa wadaad Booriqiis ah. 1621, waxaa loo xilsaaray inuu dacwada masiixiyadda gaarsiiyo Hindiya. 1622, isagoo ka badbaaday weerarro lagu dili lahaa, ayuu gaaray Goa oo ahayd gobtii uu u socday. 1624 wuxuu u ambabaxay Itoobiya si uu ula kulmo boqorkii xukumay markaas oo qaatay caqiidada kootooligga.
Badda-Cas, oo ahayd meesha ugu dhow ee kasoo gali karay Itoobiya waxaa haystay Soomaali cadaawad badan u qabtay Boortiqiiska sidaa darteed wuxuu goostay inuu kasoo galo jasiiradda Pate oo Kenya ku taal. Ka dib wuxuu raacay wabiga Jubba oo uu kasoo galay dhinaca Kismaayo laakiin wuxuu la kulmay weerar gaadmo ah oo soomaalidu ku qaadday, dib ayuuna ugu cararay jidkiisi. 1625 ayuu markale isku dayay laakiin markaan waxaa uu soo maray Eritereya oo markaas gacanta u gashay Itoobiya.
Baadarigaan ayaa aad ooga xumaaday in dowladda Itoobiya oo masiixi ah aysan lahayn bad ay xariir wanaagsan kula yeelato walaalaheeda xagga diinta ee reer Yurub. Waxaa gali wayday in Soomaali xoolo dhaqato ah bad intaas la eg leedahay Itoobiyana ka baqtiisnaato. Sidaas darteed wuxuu kusoo laabtay Yurub, wuxuuna billaabay dadaal uu ku doonayay inuu ku qanciyo dowladihii reer Yurub inay Itoobiya gacan siiyaan hiil iyo hoona ku garab istaagaan si ay u qabsato dhul bad leh.
Wuxuu u kala gooshay caasimadihii waaweynaa ee Yurub wuxuuna si gooni ah xoogga u saaray inuu dowladdiisa ku qanciyo inay hoggaamiso weerar culus oo soomaaliya lagu qaado. Laakiin waa uu ku guuldarraystay dadalkaas sababtuna waxay ahayd in Boortiqiisku boqol sano ka hor markaan uu isku dayay inuu Soomaalida xoog ku maquuniyo laakiin jab weyn uu ka raacay.
Ilaa waagaas Itoobiya kama dhammaan damaca ay ka qabto inay baddeenna wax ku yeelato; reer Galbeedku kama daalin inay garab istaagaan mar walba oo ay cawimaad u baahato Soomaaliduna kama gaabiso inay hilfaha u laabto Itoobiya iyo caasiirteeda.
FG: asalka qormada waxaa iska leh Maxamed Cabdullahi Cartan oo ku qoray af Ingiriis
Ibrahim Aden Shire
Ishire86@gmail.com
SHARE

Related posts

Leave a Comment