Musuq Maasuqii Aad u Weyn Oo Laga Shegayo Dekada Muqdisho

Sep 30(Dunida24).Milkiilayaasha Gaadiidka waaweyn ee Alaabta ka soo qaada Dekada  Muqdisho ayaa ka cabanayo lacago sharci darro ah oo uu ka qaado Maamulka Dekedda Muqdisho.
Xuseen Maxamuud Qaloocow oo ka mid ah Gaadiidleyda Alaabaha ka soo rara Dekedda Muqdisho oo la hadlay mid ka mid ah idacadaha Muqdisho ayaa sheegay in Baabuur kasta oo gelaya Dekada laga qaado lacag 350 dollar ah laakiin Boonooyin been abuur ah oo ay sameysteen ay ku qoraan Lacag  10 Dollar kaliya in ay qaadeen taas oo si toos ah ay u qadaan Maamulka Dekada Muqdisho.
Waxaana uu  intaas ku daray in  gaadiidleydaasi  markii hore xitaa  lacagahaasi si sharci darro ah loo qaadi jiray balse uu joojiyey Ra’iisul wasaaraha Dawladda Federalka Xasan Cali Kheyre markii ugu horeysay ee uu soo booqday Dekada isaguna uu u arkay Lacagtaasi sharci darrada ah ee laga qaadayo shacabka Soomaaliyeed  ee Gaadiidleyda ah Balse aan amarkiisa la fulin  oo weli lacagtii sharci daradda ahayd uu weli sideedii ay u qaadaan Maamulka Dekada.
Lacagtaasi ayaa la xaqiijiyey inay aruuriyaan Guddiga Gaadiidleyda waxaana lagu qaadaa albaabka hore ee Dekada iyadoo si toos ah loogu geeyo Maamulka dekada.
RW Kheyre ayaa hore u sheegay inuu la dagaalamayo musuqmaasuqa haddana waxaa muuqda inay weli jiraan shaqsiyaad weli faraha kula jira inay sameeyaan Musuqmaasuq oo shacabkii ay sheegeen inay u adeegayeen ka qaadanaya lacago baad ah.
Milkiilayaasha Gaadiidleyda ayaa ka dalbaday RW Kheyre inuu soo farageliyo waxna ka qabto Musuqmaasuqa uu wado Maamulka Dekada.

Related posts

Leave a Comment