PSG Oo U Safartay Magaalada Madrid

Kooxda Kubada Cagta Paris Saint-Germain oo la Cayaareysa Real Madrid kulanka Wareega 16 ka ee koobka Champions League ayaa diyaarad qaas ah ugu duushay Magaalada Caasimada u ah dalka Spain ee Madrid.

Paris Saint-Germain ayaa diyaarada ay ku tagtay Magaalada Madrid waxaa ku sawirnaa qaar ka mid ah Cayaartoyda Naadiga sida Neymar Edinson Cavani iyo Kylian Mbappe kuwaas oo ah Cayaratoyda Hogaamisa kooxda PSG.

Kulanka labada kooxood oo lagu tilmaamay kan ugu adag wareega 16 ka ee koobka Champions League ayaa waxa uu dhici doonaa habeen danbe waxaana Cayaartaas ay tahay mid il gooni ah lagu eegi doono iyada oo laga doonayo Neymar in uu dheelo kuabadii El Clasico xiligii uu joogey kooxda Barcelona.

Kooxahaan ayaa xiligaan ku kala jira Xaalado kala duwan iyada oo kooxda Real Madrid ay 17 dhibcood ka hooseyso Barcelona halka Naadiga PSG ay 13 dhibcood ku hogaaminayaan Horyaalka dalka France waxaase jirta in Real Madrid ay tahay kooxda difaacaneysa Champions League.

Leave a Reply