Wararka Maanta

Qaraxyo Lagu Weeraray Saldhig Ciidamada Dowladda Ay Ku Leeyihiin Muqdisho

Faah faahnino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo xalay lagu weeraray ciidamo katirsan dowladda oo ku sugnaa mid kamid ah xaafadaha degmada warta nabada ee magaalada muqdisho.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaabka qaraxyadaasi loogu tuuray iyo cida ka danbeysay intaba , wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada oo fadhiya agagarka saldhig ay ku leeyihiin isgoyska furayaasha lagu tuuray ilaa iyo labo bam gacmeed oo ilaa hada aan la ogeen khasaaraha ka dhashay.

Goobjooge ka ag dhawaa Saldhiga weerarka lagu qaaday ayaa sheegay inuu maqlayay 2 qarax oo u ekaa Bambaanooyinka kuwa gacanta laga tuuro, balse uusa cadeyn Karin khasaaraha ka dhashay.

Saraakiisha Amaanka degmada warta nabada oo ay xiriiro la sameysay Radio Simba ayaa inoo sheegay iney jiraan qaraxyadaasi, lakin aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray ciidamadii weerarka la kulmay.

Majirto ilaa iminka cid sheegatay Mas’uuliyada qaraxyadaasi loo adeegsaday Bambaanooyinka.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa ku waramaya saakay in ciidamo katirsan dowladda soomaaliya lagu arkayo Isgoyska Furayaasha ee degmada warta-nabada, kuwaa oo sameynaya howlgalo ay ku baadi goobayaan ragii ka danbeeyay weerarka loo adeegsaday Bamba gacameedyada lagu weeraray askarta dowladda.

Maha markii ugu horeysay oo bambo gacameed lagu weeraro ciidamada dowladda ee ku sugan saldhiga Isgoyska furayaaasha sidaan oo kale bishii aynu soo dhaafnay ayaa isla goobtan lagu soo weeraray bambaanooyinka kuwa gacanta laga tuuro taasi oo ay dhaawacyo kasoo gareen ciidamada dowladda.

Leave a Reply