Raisulwasaare Kheyre Oo Xariga Ka Jaray Saldhiga Turkey-Ga Ee Soomaliya+Sawirro

Sep 30(Dunida24).Raisalwasaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya mudane Xasan Cali Khayre iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka  Turkiga General Ulus Akar ayaa xariga ka jaray Saldhig ay Dowladda turky-ga ka hirgalisay Magaaladda Muqdisho ee  Caasimada Soomaliya.
aldhigaan ayaa lagu waday in uu xariga ka jaro madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), balse waxaa xariga ka jaray Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Xasan Cali kheyre.
Raisulwasaare Kheyre oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in Saldhigaan loogu talagalay in lagu tababaro Ciidamada kala duwan ee Dowladda Soomaliya islamarkaana ay kaga mahadcelinayaan Dowladda Turky-ga oo taageero  la garab taagan.
Saldhigaan ayaa dhawaan lagu xareyn doonaa illaa 1,500 askari, halkaasoo lagu tababari doono, saraakiil ka socota turkiga ayaa ka qeyb qaadan doona tababarka ciidamada oo noqon doona markii u horeysay ee uu turkiga gudaha soomaaliya ku tababaro ciidamo.
Saldhiga ayaa markii u horeysay lagu arkay gaadiidka gaashaaman ee Ciidamada Turkiga, waxaana gudaha xerada ammaankeeda sugaya Ciidamo Turkish ah oo dhowaan Muqdisho la keenay.
Dhismaha Xeradan Milateri ayaa ku taal dhanka xeebta, wadada aada Jazeera, waxaana magaalada Muqdisho ay u jirtaa illaa 3KM.
Dhismaha ayaa ka kooban dhowr qeybood, sida dhismayaal kala duwan oo ay seexanayaan askarta la tababaro, masaajid, guryaha saraakiisha iyo Ciidamada Turkiga.

Related posts

Leave a Comment