Ruux Soomaali ah Ayaa Habeenkii Xalay Ahaaa Lagu Dhax Gubay Goob Ganacsi Duleedka Magaalada Pretoria South Africa

Sep 29(Dunida24).Ruux Soomaali ah ayaa habeenkii xalay ahaaa lagu dhax gubay goob ganacsi oo ku lahaa duleedka magaalada Pretoria ee Caasimada Dalka South Africa.
 Kooxo Burcad South Afrikaan ah ayaa la sheegay in shaqsigaasi ay ku dhex gubeen goobtiisa ganacsi oo ku taala magaalada Pretoria, sida uu sheegay Safiirka dowlada Soomaaliya u fadhiya dalka South Africa Safiir Jamaal Barrow.
 Sida lasoo sheegaya in wali aan la helin faah faahin intaasi dhaafsiisan.
 Hase ahaatee falkaan ayaa qeyb ka ah dhibaatada kooxaha burcadda ah ay ku hayaan ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Koofur Afrika.
Weli lama sheegin magaca shaqisga la gubay balse hadii aan helno waan idin soo gudbin doona insha alah.

Related posts

Leave a Comment