Sanchez Oo Thierry Henry U Sheegay Sababtii Uu Kaga Soo Tagay Arsenal

Xidiga dhawaan galka ah ee kooxda Manchester United, Alexis Sanchez ayaa uga jawaabay halyeyga kooxda Arsenal ee Thierry Henry sababta uu kaga soo tagay Arsenal isagoo sharaxaad ka bixiyay in sababtii uu Arsenal kaga doortay kooxda Man United.

Sanchez ayaa sheegay in Manchester United ay tahay kooxda ugu wanaagsan England, xidiga ayaa sidoo kale ku nuux nuuxsaday in uu aaminsanyahay in Old Trafford koobab fara badan uu ku qaadi doono.

Xidiga Chile u dhashay ayaa Man United ugu soo biiray heshiis is dhaafsi ah oo kooxdiisii hore ay ku qaadatay ciyaariyahan Henrikh Mkhitaryan, todobaadkii la soo dhaafay ayuuna goolkiisii koowaad u dhaliyay kooxda Red Devills.

“waxaan ku taamayay u ciyaarista Manchester, tan iyo yaraanteydii waan ku faraxsanahay in halkaasi aan maanta joogo waxaan aaminsanahay in aan u ciyaaro kooxda ugu wanaagsan England” Sanchez ayaa sidaasi u sheegay Henry oo xidigan wareysi ka qaadayay.

“waxaa jira kooxo waaweyn waxaan u soo ciyaaray Arsenal waa midkamid ah kooxahaasi waan ku faraxsanahay waqtiga aan ku soo qaatay waxa aan halkasi uga soo tagay waa kaliya inaan hor mariyo xirfadeeda ciyaareed”

si kastaba ha’ahaatee 29 jirkan ayaa qeexay in Gunners uu kaga soo tagay sidii uu ku marin lahaa xirfadiis ciyaareed oo uu aaminsanyahay in kooxda 13-ka jeer ku guuleysatay horyaalka England ee Man United ay tahay halkii uu ku hormarin lahaa.

Leave a Reply