Sidee Loo Qoraa Sheeko Faneed Ama Sheekoyinka Qosolka Ah?

Sep 27(Dunida24).Sheeko faneedku waa qaab casri ah oo dadku u sheekeystaan isuna feker dhaafsadaan. Adigoo sariitaada jiifka jooga, ama qolkaaga fadhiga shaah ku cabaya baad akhrisan kartaa sheeko faneedka. Hawd oo ah qoraa Soomaaliyeed ayaa qaba in sheekada hadalka lagu soo gudbiyaa aanay mar kasta weeleyn waxa uu qofku sheegi lahaa oo dhan. Halka sheekada qorani ay ku tusmeysan tahay faahfaahin dheeri ah iyo ka baaraan degid. Sheeko faneedku waxaa loo qoraa in dareenka iyo waayaha nolosha la wadaago, feker la is dhaafsado, iyo qof kasta dunida khayaalkiisa ku sawiran inuu soo bandhigo. Sheekada wanaagsani waxa ay akhristaha u yeeshaa fahan sarreeya waxayna gelisaa arxan (empathy).
Sheekaa maskaxdaada ka guuxaysa, ama billowga sheeko. Shaksiyaadka sheekada baa kuu muuqda iyagoo isla hadlaya, sheekeysanaya ama qoslaya. Sidii filimkii oo kale baad u daawanaysaa. Adigoo xamaasadaysan baad soo dhaqaaqaysaa. Waxaad u fadhiisanaysaa inaad qorto. Nasiib darro se, sheekada warqaddaad qortay ka muuqata ma aha tii maankaaga ka guuxaysay. Farqi aad u weyn baa u dhexeeya sheekada maskaxdaadu sawirtay iyo tan aad adiga taqaano qoriddeeda. Arrintani adiga keligaa kuguma koobna. Dadka qoraalka ku cusubi oo dhan waa kula wadaagaan. Si caqabaddaas loo xalliyo, sheekada aad sawiratay iyo tan warqaddaada ka soo muuqatayna ay isugu dhawaadaan waa inaa barataa farsamada qoridda sheekooyinka.
Dadka qofba sheeko qoriddiisu meel bay ka liidataa. Mid baa sheekada ku fura jil aad u gaabiya. Shakhsiyaadka iyagoo aan caddeyn bay sheekada iska daba jiitantaa. Dhowr bog kaddibna qoraagu intuu sheekadii lumiyo baa codkiisii u soo hara oo waa ka istaagtaa. Qofka noocan oo kale waxaa laga haystaa billowga sheekada.
Mid baa cod xooggan oo kalsooni ku jirto iyo muuqaal soo jiidasho leh ku billaabata. Shakhsiyaadka sheekada baa si xiiso leh u soo if baxa oo su’aalo ogaal doon ah dhaliya. Dhowr muuqaal kaddib dhabbihii bay ka habowdaa sheekada. Su’aalihii dhashay baa wareer keena, jawaabna waa loo heli waayaa. Waxay isu rogtaa wax laga caajiso. Qofka noocan ahna qeybta dhexe ee sheekada yaa ka hallaysan.
Mid kalena si xiiso leh bay u billaabataa. Muuqaal kasta waxa uu kuu sii dhiibaa mid kaloo ka xiiso badan. Sheekadii si xiiso leh bay u socotaa. Akhristaha waxa uu harraad u qabtaa inuu ogaado sida sheekadu u dhammaato. Hase yeeshee maba dhammaato. Iyadoo sheekadu laallan tahay baa qoraalku dhamaadaa. Waxay sababtaa in akhristuhu niyad jabo. Sheekada noocan ahi qoraageedu waxaa dhib ka haystaa habka loo gabagabeeyo sheekada.
Qoraaga caanka ah ee Hemmingway waxa uu yiri “Mushkiladda qoraagu isma dooriso. Isaga wuu is baddalaa, dunida ku heeran way is baddashaa hase ahaatee dhibtiisa sideedii bay u taagnaataa. Mixnadda qoraaga haysata mar kasta waa in uu si dhab ah wax u qoraa, waxa dhabta ahna si uu gaarana waa in uu qoraalkiisu u soo bandhigaa qaab ka yeeli karta akhristaha in uu dareemo sidii ruux sheekada ku dhex jiray oo kale”. Barashada qeybaha sheekooyinka iyo fahanka habka loo abuuro yaa ah furaha sheeko guulaysata oo aan billowga, dhexda iyo dhammaadka mid ba aan ku lumin oo akhristaha dareenkiisa qaada, ka fekersiisa, xiiso gelisa ama ba ka ilmaysiisa.
Sheeko kasta waxa ay akhristuhu ka ballan qaaddaa labo arrimood: in ay wax dareensiiso iyo in ay ka fekersiiso oo maskaxdiisa su’aalo ku abuurto. Qoraa kasta waa in uu ka war hayaa waxa uu akhristayaashiisa ka ballan qaadayo. Akhristaha marka uu cinwaanka sheekadaadu arko waxa uu kaa filayo waa in uu ka arkaa sadarrada hore ee sheekada. Tiirarka ay sheeko kasta ku tiirsan tahay waa (1) shakhsiyaadka ‘jileyaasha’ (characters) (2) Goobta (Setting) (3) Dhibta/mushiladda sheekada (conflict).
W/Q Xasan Cabdi Xasan

 

Related posts

Leave a Comment