Sirta Hadalki Keating: Madaxa UN-ta ee Soomaaliya

Maalmo ka hor waxaa war qoraal ah soo saaray madaxa UN-ta u joogo Soomaaliya. Warkaan ayaa ku saabsanaa wixii soomaaliya u qabsoomay sanadkaan iyo sida uu xaalkeedu yahay. Hadalka mudane Keating ayaa labo waji lahaa. Meel wuxuu ku sheegay in wax badan oo horumar ah la sameeyay. Dhinaca kale wuxuu tilmaamay inuusan xal dhawayn. Wuxuu si gooni u far-fiiqay musuq baahansan iyo dhibaatooyin maamul xumo ku qotomo.
Somaalidi qolaba inti ay jeclayd ayay ka qaadatay hadalkaan. Qolyaha mucaaraadka ahi iyo shacabkoodu waxay meel walba ku faafiyeen inta dhibka sheegtay si ay u muujiyaan in dowladdu waxba aysan qaban.
Dhinaca dowladda taageersan waxay soo xigteen inta ammaanta ah aadna u faafiyeen si ay u tusaan inaysan dowladdaan oo kale horay aysan noo soo marin. Labada dhinacba iskuma aysan shuqlin nuxurka hadalkaan iyo sababta qaabkaan loogu qoray. Dadka aan siyaasadda ku jirin sidayda oo kale ayaa ku wareeray halki ay u raaci lahaayeen hadalkaan iyo waxa uu ka dhiganyahay.
 Maxay ahayd warbixintaan?
Warbixintaan maahan mid cusub. Dhammaan kuwii Keating ka horreeyay sidaan ayay uso saari jireen sanad walba dhammaadkiisa. Warbixintan waxay kaga warraamaan waxa ay iyagu qabteen iyo halka ay marayaan howlahoodu. Waxay kula hadlaan dadka ay qusayso oo ay u horreyaan kuwa iyaga maalgaliyo iyo dowladaha daneeyo arrimaha Soomaaliya.
In la sheego labada waji ee arrin leeyaahay waa mid caadi ah qasabna ku ah cid walba oo wax qorayso haddii aysan dano gaar ah u qarsoonayn. Sidoo kale inaad wax un wanaag ah sheegto waxay xoojinaysaa inay dadku ku rumaystaan. Laakiin sababta uu Keating sidaan ugu qoray maahan inuu soomaali qanciyo.
Xafiiska UN-ta waxaa ku baxo tobannaan milyan oo doolar. Isaga keating ah waxaan hubaa inuu ka mushaar badan yahay raysulwasaaraha dalkiisa Ingiriiska. Waxaa lacagta sidaas u badan loo siiyo waa inuu xal helaa horumarna sameeyaa. Hadii uu yiraahdo meesha waxba kama socdaan wax walbana waa sii xumaadeen, waxaa lagu dhihi iska bax waxba waad qaban waydaye cid kaa fiican ayaa la keeniye.
Hadii uu yiraahdo howshu waa hagaagtay, waddadi nabadda ayaa cagta lala helay, dowladdu waddanka waa ku filnaan rabtaa, waxaa lagu dhihi shaqadi dhammaataye soo laabo. Sidaa darteed sidi shaqadiisu ku socon lahayd ayuu warka u dhigay: Wax badan ayaan qabannay, inkaloo badanna waa noo harsantahay. Innagu waxaan ku murmayno waa howl aanba na qusayn.
UNSOM iyo dowladda sidee isku yihiin
Haddii ay cid dowladdu wax u dhintay, xafiiska UN-ta un weeye. Ilaa iyo dowladdii Cabdullahi Yuusuf allaha u raxmadee, hadba qofka xafiiska UN-ta joogo ayaa Soomaaliya madexweyne ka ahaa. Wixii mashaariic la fulinayo waxaa la marin jiray UNSOM heshiiskana waxaa saxiixi jiray madaxa xafiiskaas.
Tusaale, Maraykanku wuxuu sheegtay inuu Soomaaliya ku bixiyay adduun ka badan hal bilyan dhowrki sano ee lasoo dhaafay. Dhammaan lacagtaas waxaa maareeyay UNSOM iyo hayado ka farcamo ama ay qandaraas hoose siiyeen. Sidoo kale, Ingiriisku wuxuu waaxda caafimaadka Soomaaliya ugu talagalay 64 milyan muddo sadex sano ah. Lacagtaas waxaa maamulayo hayado hoos yimaado UNSOM wax talo ahna lagama waydiin dowladda Soomaaliya.
Laakiin taas is badal ayaa ku yimid. Waxa kaliya aan hubo inay dowladaan qabatay waa inay gacan dhaaftay UNSOM. Waxaan wada ognahay in ay bishii hore heshiis labo geessod ah la gashay maraykanka oo sheegay inuu bixin doono 300 oo milyan. Heshiiskaas waxaa saxiixi lahaa Keating laakiin, inti ay sii socon doontaba, dowladdu waxay muujisay inay wixii la siiyo maaraayn karto. Sabab keentayba dowlado badan oo Maraynka iyo Qatar ka mid yihiinna waa ku aamineen.
Halkaas waxaa ka fahmi karnaa in UNSOM cabsi weyn ay dareentay, dabcan inay danaheeda difaacan doontana ma moogin. Marar badan waxaa hubaal ah inaan maqli doonno Keating iyo saaxibadii oo hadal qaraar badan noo sheegayo xaqiiq aan aragnana isku dayayo inay si kale nooga dhigaan.
Sidaa darteed waxaa nala gudboon inaan u daymo lahaanno hadallada ay noo sheegayaan diblomaasiyiinta shisheeyo. Noogama xogogaalsano waxa ka socdo dalkeenna, nagama run badno, nagama daacadsano nagama jeclo wanaagga dalkeenna ee maxaa keenayo inaan warkooda si weyn u aaminno ama aan qaadqaadno ilaa aan ka dhiganno daliil biyo kama dhibcaan ah?
Sanadkaan wuxuu sanad dhib badan, farxad iyo murugo labaduba nasoo mareen. Siddeedi Feebaraayo Soaamli oo dhan ayaa wada faraxday. Arrintii Qalbi-dhagax ayaa niyad jab nagu ridday 14ki Octoobarna uur ku taallo ayuu nagu reebay. Laakiin waxaan nahay dad dhib yaqaan ilaahayna siiyay adkaysi ay kaga gudbaan culaysyada adduunka.
Waxaan hubaa inaan leenahay mustaqbal qurux badan waddadi lagu gaari lahaanna aan saarannahay. Sidaa awgeed qof walboo naga mid ah haka qayb qaato horumarka iyo wanaaga isagoon cidna ugu danaynayn ee naftiisa iyo tan qoyskiisa u danaysanayo. Ilaahay sanadkaan cusub ha noo dhigo kii aan ku illaawi lahayn wixii nasoo maray sodonki sano ee aan soo dhaafnay.
Ibrahim Aden Shire
Ishire86@gmail.com
Kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/

Related posts

Leave a Comment