Soomaalidu Waa Birlab Aan Jabin

Meel walba oo aad adduunka kaga nooshahay, haddiiba aad tahay Soomaali, waxaad maqli wax ku dhibo oo ku saabsan dalkeenna iyo dadkeenna. Dhammaan idaacadaha iyo jariiradaha adduunku waxay si aan kala har lahayn usoo bandhigaan wixii xumaan ah ee aan leenahay. Iyadoo laga yaabo in kuwo badan oo ka mid ah  waxa dadku naga sheegaan ay run yihiin, haddana si gooni ayaa naloogu ceebeeyaa waxyaabo badan oo adduunku nala wadaago. Dal walba xumaan iyo samaan ayuu leeyahay sidaas ayaana lasoo gudbiyaa, haddii dalku awood badan leeyahayna sida Maraykanka, wanaagiisa mooyee xumaantiisa maqli maysid. Laakiin innagu xumaanta kaliya ayaa bannaanka noo taal. Haddaba maxaan galabsannay?
Soomaalida dadkii la midka ahaa ee loogu talagalay inay isku mid noqdaan, dhammaantood waa lala helay wixii lala rabay marki laga reebo innaga iyo Afqaanistaan. Waxaan galabsannay waa kaliya inaan diidnay heeryada guumaystaha iyo inaan waligeen aan u taagnayn difaacidda diinteenna toosan.
Islaamku wuxuu ka dhashay jasiiradda Carabta oo ay Carab ku noolayd balse reer Yurub iyo Iiraanbiyiin u qaybsanaa xagga xukunka. Marki qabaailladi carbeed xaqa famheen tawxiidkuna dagay waxay iska rogeen reeryadi guumaystaha. Reer Iiraan sifiican ayaa looga adkaaday, boqortooyadoodina loo dumiyay ka dibna wixii ka badbaaday loo soo galiyay xerada islaamka.
Jabka Iiraan waxaa sahlay meesha u yaalay deegaankooda oo ahaa Carab bartankeeda sida uu maantaba yahay. Laakiin guumaystihi reer Yurub waa la wiiqay balse lama jabin wuxuu dib ugu soo gurtay dhulkiisi uu markii horaba ka yimid. Sida uu qiray saxaabigii weynaa ee Camar Ibnu Caas Allaha ka raali noqdee, Yurubiyaanku waxay caan ku yihiin inaysan quusan dhib walba oo gaaro.
Mar walba oo ay wiiqmaan dib ayay isu abaabulaan mana samraan ilaa ay gaaraan hadafkooda. Sidaa darteed waxay billaabeen is abaabul iyo dagaallo rogaal celis ah oo ay rabeen inay ku dumiyaan islaamka si ay u hantaan hoggaanka dunida mar kale. Wa dagaaladaan rogaal celiska ahaa kuwa laga raacay soomaalida iyo dadyowga kale aan sheegi doonno. Sidee?
Carabtu waxay dagan yihiin bartamaha Islaamka, dhinac walbana waxaa ka xigo qowmiyado muslimiin ah oo aan Carab ahayn. Sida maanta oo ay wax walba haystaan ay diyaarka ugu yihiin inay ku hoos noolaadaan Maraykanka ayay waligood u ogolaayeen ku hoos noolaanshaha hadba ciddii awood leh. Haddii ay sidoodaba helaan  waxay cunaan shawadooda gutaan wax dheeraaad ah iskuma sii dhibaan.
Sidaa darteed dadki dagaalka la galay reer Yurub ee ay waayeen meel ay ka maraan islaamkana difaacay waxay ahaayeen qowmiyadaha: Kurdida, Barbariyiinta iyo Tuwaariqda oo is wata, Soomaalida iyo Canfarta oo is wata iyo qabaaillada dago Afqaanistaan.
Kurtidu waxay ahaayeen kuwii illinka u istaagay saliibiyiinti doonaysay inay Shaam qabsadaan Carabna ugu tagaan guryahooda. Barbariyiintu waa dadkii soo jabsaday darbiyadi adkaa ee Yurub xayn-daabka u ahaa. Ninka aad maqasheen ee furay Andulus ee Daariq Ibnu Siyaad wuxuu ahaa Barbari.
Waxay casharo lama illaawaan ah u dhigeen Caddaanki dhul balaarsiga u socday ilaa qaabki ay wax u layn jireen erey bixin loo sameeyay. Erayga ingiriiska ah ee ‘barbaric’ oo macnihiisu yahay in si naxariis la’aan ah wax loo dilo wuxuu ku yimid in qofki laga yaabo lagu yiraahdo ‘sidii barbarki ayuu wax u dilaa’.
Soomaalida iyo Canfarta waa dadkii diiday in masiixiyaddu Itoobiya dhinac u dhaafto. Muddo kun sano ka badan ayay dagaal joogta ah ku jireen. Waxaa dagaalladaas ka qayb qaatay ciidamo Boortiqiis ah kuwaas loo soo diray inay xoojiyaan cadowgi Soomaalida. Ciidamaas oo uu hoggaaminayay wiil uu dhalay bad-mareenki caanka ahaa ee Fooska Digaamo ayaa ku guulaystay inay dilaan Axmed Guray. Hayse ahaatee, marki danbe sankooda ayaa caano laga lisay ina Fooska Digaamana dhagta ayaa dhiiga loo daray.
Inkastoo waayihii hore ay reer Afqan dagaal la galin reer Yurub haddana waxay ogaayeen sideey u galeen tartaarki dunida qabsaday iyo kaalimihii ay ka cayaareen dagaalladi muslimiintu masiixiyiinta kula jireen.
Marki reer Yurub soo cifteen dibna dunida u qaybsadeen waxay cindiga ku hayeen in mar un awooddooda hoos u dhici doonto. Sidaa darteed waxay ahmiyadda koowaad siiyeen baabi’inta dadyowgi ay is lahaayeen guumaysi ma aqbali doonaan kuwaas oo ah qowmiyadaha aan kor kusoo xusnay.
Waxay ku tala galeen in dadyowgaan loo qaybiyo dad kale lagana ilaaliyo dowlad ay iyagu leeyihiin. Kurdida waxaa loo qaybiyay afar dal: Ciraaq, Iiraan, Suuriya iyo Turkiga, Barbariyiinta iyo Tuwaariqda waxaa loo qaybiyay, Aljeeriya, Marooko, Liibiya iyo Nayjar . Canfarta waxaa loo qaybiyay Itoobiya, Eritareeya iyo Jabuuti. Midkoodna dowlad ma leh iyagoo maalyiin ah. Waxaa laga ilaaliyay wax walba oo ay kusoo cifan karaan, cadow aan islaam ahayna looma yeelin.
Laakiin guumaystihi reer yurub wuu ku guul daraystay inuu soomaalida sidaas yeelo. Wax uu u reebtay ma jiraan. Waa qaybiyay, kala jararay, dalal badan ku kala daray haddana mashruuci dabar goynta waa fuli waayay.
Labo sababood ayaa arrintaas keenay. Kow, waa inaysan jirin dad naga badnaa ama nala ekaa oo na dhex dagganaa sidaasna dalka noogu qabsan karay. Haddii ay dhici lahayd inay Carabtu dhulka nala dagto ilaa ay nala ekaato waxaa nagu dhici lahaa waxa ku dhacay walaalaheen ree Barbar. Labo, waxaan nahay dad adag oo dhib walba u adkaysta si fududba aan isku dhiibin.
Midda danbe waxaad ka dheehan kartaa wixii nagu dhacay sodonkii sano ee dagaalka aan ku jirnay. Marki lagu guul darraystay in naloo diido dal aynu leenahay, waxaa la maleegay in nala qixiyo, tiih iyo jaha-wareer nagu dhaco ka dibna sida Falastiiniyiinta addunyada dacalladeeda aan wareegaysanno ka dibna dhulkeenna la hoos geeyo kuwa na maamulo xukunkana naga ilaaliyo.
Si qorshahaas loo fuliyo waxaa nalagu qaaday weerar dhinac walba ah: dhaqan, diin, maal, aqoon, hiido, taariikh iyo wax alle wixii mustaqbalka raadraac u noqon lahaa in aan ahaan jirnay dal jiro waxaa la isku dayay in la baabi’iyo. Sayidki Allaha u raxmadee ayaa u danbeeyay oo taallo looga dhisay Jigjiga. Inkastoo Jigjiga ay tahay dhul soomaaliyeed sayidkuna xaq u leeyahay in taallo looga dhiso, haddana hadda waxay ku jirtaa gacan guumaysi. In guumaystuhu wayneeyo Sayidka waxaa sabab u ah inuu sheeganayo oo leeyahay wuxuu ahaa nin Itoobiyaan ah.
Waxaa nalagu furay dacaayad, ceebayn iyo fadeexado ilaa aan ka xishoonno inaan sheeganno magaceenna. Aniga idinla hadlayo waxaa isoo martay mar aan ka xishoon jiray inaan iraahdo Soomali ayaan ahay, waayo waxa kaliya ee aan aqaannay ayaa ahaa wuxuu ii sheegay midki sidaan ii galay.
Khiyaanadi naloo maleegay dhib weyn ayaa naga soo gaaray laakiin nama baabi’in. waxaan ka qaadnay isbalaarin iyo xoog. Waxaan dagnay dhul cusub oo Islii ay ka mid tahay. Waxaan ka dhex muuqannay baarlamaannada adduunka sida kan Maraykanka. Waxaa wax ku yeelannay ganacsatada Afrika ugu caansan ilaa ay gabadha ugu taajirsan dumarka Yugandha Soomaali noqotay.
Addunka waxaa u caddaatay haddii dhulkeennu uusan nabad noqon in aan mid cusub qabsan doonno, keennana aan laga ceeshi doonin, sidaa darteed ayaa mar kale kaartadi la baddalay xooggana la saaray in dalkeenna la nabadeeyo. Hasa yeeshee waxaa lagu mashquulsan yahay xeelad kale oo oo nagula qabsan karo. Markaan Carab ayaa hormuud u ah. Laakiin nin aad aabihii garaaci jirtay isagu wax kaa qaadi mahayo!
Waxaan leenahay taariikh facweyn oo aan ku faanno. Waxaan leenahay halyeeyo taariikhda galay. Waxaan nahay birlab aan jabin laakiin marki uu kulaylku ka bato qalloocato. Hadda waxaan ku jirnaa qolloocaas, laakiin waxaan shaki iiga jirin inaan toosi doonno. Waxaan hubaa, Eebe idankii, intii ay rabtaba ha qaadatee inay NFD iyo Ogaadeeniya oo balaas wato imaan doonaan. Inaan wax korosanno mooye dhulkeenna ah cidi ka qaadi mayso.
Ibrahim Aden Shire
Ishire86@gmail.com
Kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/
SHARE
SHARE
Popular posts from this blog
Xasuustaydi Halyeey Maxamuud Xasan Cilmi
October 18, 2017
14ki Octobar waxaa dhacay musiibo nagu dhacdo tii ugu weynayd. Maahan kaliya tirada dadka ku dhintay badnaanteeda waxa qalbiga na gubay ee sidoo kale qiimaha iyo tayada dad ka naga dhintay sarraynteeda ayaa ah mid aan laga gam’i karin. Waxaan is iri ma xulkii ummaddeena ayaa meesha la isugu geeyay mise Soomaali oo dhan ayaan kala dhicin. Dareenkaygu wuxuu i siinayaa inay jawaabtu tahay midda danbe.
waxaa naga baxay dad aan la kala fadili karin xagga tayada iyo xagga muhiimmada ay dalka iyo dadka u lahaayeen. Bal fiiri Maryan, ardayadii caafimaadka ee maalin ka hor qalin jabinteedi la laqmiyay, hooyo Caasho, ogoonlaydi banaanka bur shiishiilka ku gadaysay si ay caruurteeda tuugsi uga kaafiso, wiilkii iyo gabadhii uu dhalay aabaha naafada ah ee wax waxtar ah qabo labadaas ka haystay, afartii wiil ee walaalaha ahaa ee isku meesha lagu dubay. mid walba waxaa la dilay waqtigii loogu baahida badnaa. kaad eegtaba kan kale ka xanuun badan. Mid walbana wuxuu mudan yahay qormo gooni ah. H…
SHARE
READ MORE
Labo iyo Tobanki sano ee lagu Qalleeyay 12-ki ka horeeyay. Ku Wacyi Qaado Sooyaalkii warsame Shiidleey.
September 23, 2017
Warsame waa 24 jir. Waa qoraa afka soomaaliga wax ku qoro horayna u daabacay buug ku guulaystay abaal marin sare. Qur’aanka waa uu xafidsanyahay. Dhawaan ayuu qaatay shahaadada darajada kowaad ee jaamacada. Sidaas oo ay tahay magaalo waxa uu joogaa 12 sano kaliya. Ma run baa mise waa riyo mise waa sidaan jeclaan lahayn? Ma shahaadadi Cabdalla Shideeyaa mise cilmigii Cabdi-wali ee baadiniga ahaa (wadaadki Gaalkacyo)? Intaba midna mee waa dadaal rageed iyo doonitaan Eebe iyo tusmo u furan qof walba oo doono inuu guul ka gaaro hadafkiisa.
Inta aanan billaabin sheekada aan mar kale sheego in ujeedka qoraalkaan uusan ahayn ammaan iyo dhaliil toona balse ujeedku yahay cashar barasho, tusmayn iyo tusaalayn kuwa jecel inay naftooda horumariyaan, dhiirri galin kuwa uu gaariga dadaalku meel dhexe kula jabay, baraarujin kuwa aan arag awoodda Alle siiyay iyo fursadaha ay haystaan. Sidaa darteed ku aqri qalbi fayow oo diyaar u ah wacyi qaadasho iyo ku dayasho.
Imaamul Ghazali Eebe ha u raxmadee ayaa…
SHARE
READ MORE
Bog ka mid ah Taariikh Nololeedki Sheekh cabdi-salaam Cilmi
September 17, 2017
Allaha u raxmadee Sheekh Cabdisalaam waxaa ku dhashay dhul-daaqsimeedka loo yaqaan Diir-haro ee gobalka Gedo qiyaasti 1930-ki. Waqitiga uu dhashay sheekhu Gedo waxay u badnayd dhul miyi ah Baardheere iyo Luuq kaliya ayaana magaalo kaga yaalay. Sidaas oo ay tahay sheekhu wuxuu indhaha ku kala qaaday barashada diinta Islaamka. Arintaas waxaa sabab u ahaa inuu sheekhu ka dhashay reer diimeed oo waqti walba ay joogaan ku dadaalo inay ubadkooda baraan diinta islaamka. Sida darteed barashada Qur’aanka wuxuu ka bilaabay dugsigii qoyskooda u oodnaa.
Marki uu kuray xoog le ah noqday ayuu u xaraysay Baardheere iyo tuulooyinka u dhow ee gobalka Baay ka tirsan. Halkaas ayuu Sheekhu ku xafiday Qur’aanka. Sidoo kale wuxuu soo bartay tafsiirka iyo fiqhiga Shaafiga oo uu ilaa Minhaajka daraaseeyay. Ka dib, wuxuu dib ugu noqday deegaanki uu ka yimid oo uu ka billaabay barida diinta kuna guursaday.
Allaha u raxmadee sheekhu maahayn mid ku nool hawadiisa iyo hawaawi balse wuxuu ahaa qof yaqaa…
SHARE
READ MORE
About Me
ibrahim Aden shireVISIT PROFILE
Archive
Report Abuse
 Powered by Blogger
Ibrahim blog 2017

Related posts

Leave a Comment