Taliska Booliska Afgooye Oo Soo Saaray Go’aano Ku Saabsan Amniga

Taliska Booliska degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa faah faahin ka bixiyay xaalada amni ee degmadaas kadib weerar xalay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab y ku soo qaadeen wallow dagaal aan sidaas u weyneyn ay Maamulku sheegen in uu ka dhacay.

Taliyaha Saldhigga Degmada Afgooye Cabduqaadir Cismaan Mursal ayaa sheegay in Guud ahaan amniga Afgooye uu yahay mid wanaagsan isla markaana dhammaan Ganacsiga iyo Shaqooyinkii Caadiga ahaa ee degmada uu socdo.

Waxa uu sheegay in ay jiraan rag ka tirsan Al-Shabaab oo mararka qaar rasaas ku soo tuur tuura degmada balse ay iska difaacaan.

Waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray in amniga Magaalada uu yahay mid la’isku haleyn karo taasina uu ku yimid wadashaqeyn dhexmaraty Shacabka iyo Maamulka,isaga oo ugu baaqay Shacabka in ay meeshooda ka sii wadaan.

Leave a Reply