Tartanka Ciyaaraha Maamullada Oo Muqdisho ka Furmay

Waxaa maanta Magaalada Muqdisho ka bilowday Tartanka Maamul Gobolleedyada Soomaaliya iyo Gobolka Banaadir. Waana markii labaad ee tartankan ay Muqdisho martigeliso burburkii kadib.
Cayaarta ugu horeysa ee galabta lagu furay tartanka oo haatan socota ayaa waxey dhex mareysaa kooxaha Banaadir oo martigalineysa iyo Jubbaland.
markii ay meesha ka baxday dowladnimadii Soomaaliya mar qura ayaa la’isugu yimi tartan Gobboleed waxa uuna ahaa kii hore loo yaqaanay, waxaa lagu qabtay Garoowe, caasimadda M/Puntland.
Tartanki hore waxa ku guuleysatay Puntland oo kama dambeystii gool ku laadyo uga qaaday maamul gobaleedka Jubbaland.
Sanadka waxaa loo ballansanaa in tartanku ka dhaco Kismaayo, caasimadda KMG ah ee Jubbaland hase ahaatee, dhaqaalo darro ayey taasi u dhici weysay waxaana loo soo celiey Xamar.

Related posts

Leave a Comment