Vicenzo Montella Oo Loo Magacaabay Macalinka Cusub Ee Kooxda Reer Spain Sevilla

Kooxda kubada cagta ee Sevilla ayaa ku dhawaaqday magacaabista tababarihii hore ee kooxda AC Milan Vincenzo Montella isagoo noqday tababaraha cusub ee kooxda Sevilla.
Kooxda La Liga ka dhisan ayaa macalinkeeda cusub la gaartay heshiis mudo hal sano iyo bar ah si uu kooxda u sii maamulo kooxdaasi oo dhawaan ceyrisay macalinkeedii hore.
Dhanka kale, Sevilla, ayaa dhawaan shaqada kooxda ka ceyrisay Berizzo kaasoo dhawaan kasoo laabtay qadarinta qaliinka kansarka isagoo kooxda ku hogaamiyay in ay fadhido kaalinta shanaad ee Laliga iyo kooxda oo meel wanaagsan ka joogta tartanka Champions League.
Macalinka reer Talyaani ayaa kulankiisa ugu horeeya kooxda Sevilla hogaamin doono kulanka Copa Del Rey oo kooxdiisa cusub ay la ciyaari doonto kooxda FC Cadia.

Related posts

Leave a Comment