Waa kuma Sheekh Cusmaan Zaylici?

Tan iyo marki Islaamku soo gaaray Soomaaliya, waxay dadka soomaaliyeed ka qayb qaateen faafinta iyo difaaca diinta iyo dadkeeda. Waxaa kasoo baxay hoggaamiyaal ciidan iyo madax maamul oo dunida caan ka noqotay. Waxaa sidoo kale kasoo baxay culimo ku xeel dheeraaday barashada iyo baridda diinta dunida dacalladeedana laga wada bartay.

Dadkaan qiimaha badan ee naga dhashay wax raadraac ah kama aannan reebin. Halka kuwa xagga ciidan ku caanbaxay ay wali qalbigeenna ku jiraan, kuwa xagga aqoonta ku sara maray tirisgaba kuma aannan darsan. In yar oo ka mid ah, magacyadooda waa naqaan oo kutubta ay qoreen ayaan akhrisannaa laakiin nasiib darro uma naqaan inay soomaali yihiin, balse waxay noogu xisaabsanyihiin culimadii muslimiinta ee Carbeed.

Sababta keentay in dhaxalka sidaan u qiimha badan uu naga lumo waa qorid la’aanta. Waqtigaas laba cudur daar ayay soomalidu lahayd. kow, far qoran ma annan lahayn. Labo, culimada intooda badan waxay u kaynaani jireen dalal kale ka dibna ay sal dhigan jireen ilaa ay ku dhintaan. Waaxase nasiib darro ah in maanta oo labadi cudur daarba ay meesha ka baxeen aan lagu dhaqaaqin kaydin macluumaadka dhaxal-gal ah ee jiilalka danbe anfici lahaa.

“caano daatay dabadooda ayaa la qabtaaye, waxaa dhawaanahaan soo baxay aqoonyahanno raadraac ku samayso culimadi soomaaliyeed ee ka tagay kutub iyo waxyaabo lagu raadin karo. Culimada ilaa hadda la soo guryo-celiyay waxaa ka mid ah: Imaam Fakhru-Diin Cusmaan Zaylici oo ahaa reer Zaylac mad-habtiisuna ahayd Xanafi.

Gogol-dhig

Xog badan lagama hayo dhalashadiisi, barbaaritiisi iyo noloshiisi qaybteedi danbe intaba. Arintaan waxaa ugu wacnaa inaan la qoro jirin taariikhda fuqahada Xanafiyada ilaa laga soo gaaray qarinigii siddeedaad ee Hijriga. Culimada taariikh nololeedkooda ayaa laga heli jiray kutub dhexdeeda sidaa darteed cidna iskuma shuqlin in loo sameeye kutub u gaar ah oo lagu kaydiyo noloshoodi oo dhan. Halka culumaa shaaficayada waqti hore la billaabay in la diiwaan galiyo.

Xog la’aanta waxaa sii kordhiyay, in Sheekhu ku dhashay noloshiisa qayb ka mid ahna uu ku qaatay Soomaaliya oo wax-qoriddu aysan muhiim ka ahayn kana go’nayd rugaha aqoonta ee dunida Islaamka. Sidaas darteed lama yaqaan dhalashada sheekha goorti ay ahayd iyo yaraantiisi xogta ku saabsan.

Abtirkiisa

Magaciisu waa Cusmaan Cali Mihjan Yoonis. Magaciisa iyo kan aabihiis waxaa khliaaf la’aan lagu sheegay sida aan u qornay halka kan awowgii Ibnu-Xajar uu ku sheegay inuu ahaa Yaxye halka qaar kalana ay dhaheen waxaa la oran jiray Muxammed ee mahayn Mihjan (Mihjan-ku inuu naanays ahaa u badi). Kunyadiisu waxay ahayd Abuu-Cumar ama Abu-Muxammed, laqabkiisuna wuxuu ahaa Fakhru-diin halka nisbadiisu ahayd Al-zaylici, mad-habtiisuna Xanafiyo.

Meeshi uu ku dhashay iyo waxbarashadiisi

Wuxuu ku dhashay Zaylac oo ah magaalo xeebeed xad la leh Jabuuti ayada ayuuna ku koray. Waxaa la hubaa inuu bartay sii fiicanna u sugay cilmiga luuqadda, naxwaha, sarfiga, fiqhiga iyo axaadiista ka hor inta uusan tagin Qaahiro.

Taariikihyahannadu waxay sheegeen inuu Qaahiro yimid sanadki 705Hijri (1306 milaadiga). Ibnu-Xajar wuxuu yiri “dadka ayuu waxbaray, fiqhiga ayuu faafiyay waana lagu intifaacay”. Inaan lahayn macluumaadka culimadi uu isagu wax ka bartay iyo inuu billaabay waxbarid markii uu yimid Masar waxay si cad u tusayaan inuu Qaahiro soo galay isagoo caalim ah.

Waqtiga uu sheekhu tagay Qaahira, Soomaaliya iyo Masar waxaa ka dhaxeeyay xariir fiican culimaduna waxay u kala gooshi jireen labada dhinac sidoo kalana diblomaasyiin ayay iswayadaarsan jireen labada dal. Sheekhu wuxuu sidoo kale tagay Xijaaz wuxuuna muddo kooban joogay Mako oo uu waxbarid u joogay sida uu sheegay ardaygiisi Mahmud b. Israil Ibn Qadi Simawanah.

Aqoontiisi iyo hab-dhaqankiisi

Waxaa lagu tilmaamaa inuu ahaa culimada ugu waaweyn mad’habka xanafiga waxaana la galiyay dabaqadda lixaad ee culimada xanafiyada. Dabaqaddaan ayaa ah culimada loo yaqaan muxaqiqiinta oo ah kuwa kala shaandheeyo masaaisha mad’habka. Waxay ka saaraan aqwaasha xoogga badan kuwa la jeclaystay, kuwa dafiicka ahna waxay ka saaraan kuwa aan meelna haysan. (Waxaan filayaa inuu yahay booska Imaamu Nawawi noo joogo innaga Shaaficiayada ah).

Imaamka waxaa lagu yaaqaanay dabci wanaag iyo dabacsanaan, tawaaduc iyo qabow. Waxaa uu ku dhihi jiray ardaydiisa “ha ku koobina waxbarashadiinna aniga kaliya waayo anigu waxaan ahayn arday adinka oo kala ah ee culimada ka doonta aqoon kororsi”. Imaamku wuxuu ka mid ahaa culimada tasawufka wuxuuna ku camal falay waxa uu faafin jiray. Faan, isqaadqaad iyo kibir toona aktiisa masoo mari jirin. Tawaaduca iyo qiimo-dhimista naftiisa waxaa laga dheehan karaa kutubtiisa oo ku billaabo weedhaha: waxaa u yiri miskiinki Eebe, addoonki Alle, iyo midkii u baahi qabay caawinta Eebe.

Mashaaikhdiisi

Sida aan kor ku sheegnay si cad looma hubo cidda uu wax ka baratay. Maadama uu yimid Masar asagoo caalim ah waxaa la qiyaasayaa inuu wax ka bartay culimadi soomaaliyeed ee fadhigoodu ahaa Zaylac kuwaas oo kala ahaa:

1: Shihaabu-diin Axmed Cumar Zaylici oo taqasusukiisu ahaa fiqhiga, naxwaha, tasawufka iyo tafsiirka,

2: Imaam Maxammed Cali Zayli oo taqasusukiisu ahaa fiqhiga iyo asuulka. Aad ayaa loo filayaa inuu sheekhaan wax ka bartay maadaama dhimashadoodu u dhaxaysay 13 gu’ kaliya.

Ardaydiisi

Shaki kuma jiro in culimo badan wax ka barteen sida ay xuseen taariikhyahannadu. Laakiin ardaydiisa waxaa ugu caansan sadex sheikh oo kala ah:

1: Jamalu-diin Cabdullahi Yuusuf Yoonis Maxamed Zaylici. Sheekhaan ayaa sida Sheekhiisa  reer Zaylac ahaa soona galay Masar asagoo da’ yar. Wuxuuna ku taqasusay cilmiga xadiiska oo xoogga saaray kala saaridda axaadiista sugan iyo kuwa kale. Kutubtiisana waxaa ugu caansan Nasba-Alraayah oo ah kitaab aad loo yaqaan soomaaliduna dhawaan ay baratay.

2: Imaam Shamsu-diin Maxamed binu Cabdiraxmaab bini Cali Al-naxwi oo ahaa caalim si weyn loo yaqaanay markii danbana qaadi u noqday ciidamadii dowladdii loo yaqaanay mamaalikta.

3: Imaam Shamsu-diin Maxamed binu Israaiil binu binu Cabdicasiis oo ku caan baxay Ibnu-Qaadi Simawanah wuxuuna asal ahaan kasoo jeeday Turkiga. Masar ayuu wax ku bartay markii danbana wuxuu galay siyaasadda, ugu danbayna waxaa lagu eedeeyay inuu dowladda ka horyimid waa la xiray ka dibna waa la daldalay.

Kutibtiisi

Sheekhu wuxuu leeyahay kutub badan oo marjic ah waxaana ka mid ah:

Fiqhiga

Tabyinul-xaqaaiq Sharxu kansu-daqaaiq oo ah kitaab marjic muhiim u ah ardayda sare iyo macalmiintu aysan ka maarmin.

Wuxuu sharxay Cajami Kabiirka Imaam Shaybaani wuxuu kaloo leeyahay Sharxu Mukhtaar fil Fataawa oo leeyahay Imaam Abu-Fadli Al-Mawsali.

Xadiiska

Barakaat Al-kalaam cala axaadiisil al-axkaami al-waaqiciti fil Hidaaya waa sa’ri kutibul Xanafiyah.

Sheekhu waxaa ku dhintay magaalada Qaahira ee dalka Masar sanadki 743Hijriyada oo ku beegan 1342 milaadiga. Allaha u raxmadee Sheekhu wuxuu caan ka dhexyahay culimada Xanafiyada iyo dhulka looga dhaqmo mad’habtaas.

FG: Xogtaan waxaa xuquudeeda leh Maxamed Cabdullahi Cartan oo sameeyay baaritaanka iyo soo aruurinta xogta sheekha kuna qoray luuqadda Ingiriiska. Anigu inti uu qoray oo waliba aan qaar ka tagay ayaa Afsoomaali ka dhigay.

Ibrahim Aden Shire
MSc candidate
BA in International Development
Ishire86@gmail.com

Related posts

Leave a Comment