Wararkii U Dambeeyay Ee Qaraxyo Ka Dhacay Duleedka Balcad

Qaraxa Koowaad ayaa qabsaday Gaari nooca Soomaalida u taqaano Deynada oo ay saarnaayeen kaliya Darawal iyo Caawiyihiisa( Kirisihbooy) kaas oo ka tegay degmada Balcad.

Gaarigaan oo ku sii jeeday tuulooyin ka tirsan Balcad si uu uga soo qadu Dhuxul basle xili uu marayay deegaanka Haansheekh  ay miinada nooca dhulka aaso aheyd ay qabsatay,waxaana ku dhintay Darawalkii Gaariga oo lagu Magacaabi jiray Bishaar Dhicisow halka labada lugeed ay ka jartay caawiyihiisa oo lagu Magacaabo Ibraahim Xanafi.

Dhaawaca Caawiye Ibraahim Xanafi oo aad u culus ayaa loo soo qaaday dhanka Muqdisho,waxana gurmad u sameeyay Maamulka degmada iyo Shacabka intaba.

Dhinaca kale isla barqanimadii Maanta ayaa Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM oo ka tegay Muqdisho kuna sii jeeday Garoonka Diyaaradaha Jowhar,waxaa lala eegtay qarax Miino.

Kolonyada Ciidamada AMISOM ayaa dad goobjoogayaal ah wax ay sheegeen in uu qaraxa qabsaday mid ka mid ah Gawaaridooda xili  ay marayeen halka loo yaqaano Ilbiq oo u dhaxeysa Tuulada Gololey iyo Ceelka Geeloow.

Qaraxa kadib ayaa la sheegay in ciidamada AMISOM ay fureen rasaas farabadan welina lama shaacin khasaaraha ka dhashay qaraxaas.

Xaalada deegaannadii ay qaraxyada ka dhaceyn ayaa hadda ah mid caadi ah wallow markii qaraxa uu dhacay ay ciidamada AMISOM hakiyeen isu socodka Gaadiidka

Leave a Reply