Xubno Ka Socda Gudiga Doorashooyinka Qaranka Oo Gaaray Degmada Balcad

Wararka naga soo gaaraya degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in ay gaareen Xubno ka socda Guddiga doorashooyinka Qaranka.
Xubnaha ayaa waxaa hoggaamineysa  Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Yareey,kuwaas oo maalmahaan waday Booqashooyin ay ku tagaan Gobolda dalka.
Ujeedka ay halkaasi u tageen ayaa waxaa ka mid ah sidii Bulshada ku nool degmada Balcad loo fahansiin lahaa habka doorashooyinka qof iyo cod iyo sida ay dalka uga dhici karto,wxayna kulan la qaateen Gudoomiyaha Maamulka degmada Balcad Qaasim Cali Nuur Furdug
Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Xaliimo Ismaaciil ( Xliimo Yareey) ayaa sheegtay in Magaalada Balcad ay noqotay magaalooyinka ugu dadka badan kulamadii kala duwana ay ku soo qabteen deegaanadii kale ay booqdeen.
Guddiga doorashooyinka Qaranka ayaa maalmaahan marayay deegaano badan oo ka mid ah Maamul goboleedyada iyaga oo dhawaan tegay Jubbland.

Related posts

Leave a Comment