Yaa Shacabka Muqdisho u Diidan Ciida? (Akhriso Qormo Xiiso Badan)

June 24(Dunida24).Iyadoo ay maalmihii ugu dambeeyay ay magaalada muqdisho ka socdeen howl galo hub uruurin ah oo lagu xaqiijinaayo amaan ka magaalada muqdisho ayaa hadane taa waxaa barbar socda dilal qorsheysan qaraxyo is miidaamin ah iyo weeraro gaadmo ah oo ay gaysanayaaan ururka alshabaab kuwaas oo ay ka fulinayaan isla gudaha magaalada muqdisho

maalmihii ugu dambeeyay waxaa magaalada ka dhacayay qaraxyo is xig xigay oo galaaftay nolosha boqolaal qof oo shacab ah burburka dhismayaal fara badan iyo gubashada gawaari noocii ugu dambeeyay ah waxaas oo dhana waa dhibaatooyin joogta ah oo loo geysanaayo shacabka ku nool magaalada muqdisho mana jirto sabab ay uga baaqsadaan dhibaataas in alle ka samata bixiyo mooyee

sidoo kale saraakiisha laamaha amaanka ee dowlada faderaalka ayaa sheegaya in ay sameeyeen ciidamo gaar ah kuwaas oo ka shaqeeynaya xasilinta amniga gudaha magalada muqdisho waxaana ay fariisimo ka dhigteen is goys yada ku yaala wadooyinka ugu saxmada badan halkaas oo ay ku baaraan gawaarida sidoo kale ciidamaasi waxa ay tagaan oo ay ka howl galaan dhamaan degmooyinka gobalka banaadir si lo ilaaliyo amaanka shacabka maadaama ay gaba gaba tahay bisha barakeysan ee ramadaan dadkuna u baahanyihiin adeegyada kala duwan ee loogu tala galay farxada ciida ayna tagayaan shacabku goobaha la isku qurxiyo iyo meelaha laga dukaamaysto sida suuqyada waaweyn si ay usoo iibsadaan agabkii kala duwanaa ee ay ugu tala galeen in ay ku ciidaan

dhinaca kale ururka alshabaab oo aan awood sidaas usii weyn ku lahayn gudaha magaalada muqdisho ayaa hadane ka gaysta falal argagixisanimo ah xasilooni darana ku abuura shacabka ayagoo isku dayaya in ay baqdin geliyaan shacabka si aan farxad loogu ciidin waxayna carqalad ku yihiin nadaamka dowladnimo iyo adeegyada bulshada taasoo keentay in shacabka reer muqdsiho ay ka baqaan in farxada ciida loogu bedelo maalin murugo maadaama ay rabaan shacab ku in ay nabad uga ciidaan meel weliba oo ka mid ah gudaha magaalada muqdisho hadane ay ka baqyaan qaraxyada is miidaamin ta ah ee aan loo meel dayin ee badanaaba ka dhaca suuqyada waaweyn meelaha la isku qurxiyo iyo goobaha loo damaashaad tago marka sow lama oran karo shacabka muqdisho waxaa ciida u diidan alshaab

W/Q garaad sicow

You May Also Like

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *